Saraakiil katirsan Alshabaab oo lagu soo bandhigay deegaan katirsan Gobolka Gedo.

Wararka ka imaanaya gobolka gedo ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay lagu soo bandhigay degmada Balad xaawo ee gobolkaasi.

Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa warbaahinta u soo bandhigay laba Xubnood oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab kana howlgalayeen Gobolka Gedo.

Sidoo kale saraakiisha Ciidanka Nabadsugida Jubbaland ayaa sheegay in xubnahan ay la soo  xiriireen qaar kamid ah Ciidamada dowladda, isla markaana dhawaaan lagu wareejin doono Hay’adaha kale ee dowladda Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland ayaa mudooyinkii dambe waxaa ay soo bandhigayeen dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*