Waxaa la helay Xogta dhaqaatiirtii udhalatay Cupa ee sanad kahor ay afduubteen Alshabaab.

Labo Dhakhtar oo u dhalatay dalka Kuuba oo ay Dagaalamayaasha Al shabaab ka soo qafaasheen gudaha dalka Kenya 9 bilood ka hor ayaa la sheegay inay caafimaad qabaan.

Shabakadda Wararka ee Oncubanews.com ayaa qortay inay Dowladda Kenya xaqiijisay in ay Dhakhaatiirtaasi nool yihiin, isla markaana ku hawlan yihiin sidii loo sii dayn lahaa iyagoo bad-qaba.

Labada Dhakhtar ee u dhalatay dalka Kuuba oo lagu kala magacaabo Landi Rodrigez iyo Assel Herrera Koree’a waxaa la sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab ka soo kaxaysteen magaalladda Mandera ee W/bari Kenya, ee u dhow Xuduudka Somalia bishii April 12-dii ee sannadkii hore.

Los doctores cubanos Assel Herrera (izq) y Landy Rodríguez (der), secuestrados el 12 de abril en Kenia, presuntamente por militantes del grupo extremista Al Shabab. Foto: Captura de pantalla editada.

Afhayeenka Dowladda Kenya, Kirus Oguna oo la hadlay Wakaalladda Wararka dalka Spain ee EFE News  Agency  ayaa sheegay inay Dhakhaatiirtaasi caafimaad qabaan, isla markaana uu socdo qorshaha lagu soo badbaadin laaha, waa sida uu hadalka u yiri. Afhayeenka waxa uu mar kale ku celiyey inay Dowladiisa ka go’an tahay inay sii wadaan badbaadintooda, isla markaana ay weli nool yihiin.

Mar wax laga weydiiyo inuu sheego halka ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku hayaan Labada Dhakhtar ee u dhalatay dalka Kuuba, waxa uu ku gaabsaday inuusan shaacin Karin sababo dhanka Ammaanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Dowladda Kenya, Kirus Oguna waxa kale oo uu Wareysigiisa ku sheegay inaysan marnaba Wada-xaajood la geli doonin Xarakadda Alshabaab, isla markaana uu Mowqfifka Dowladiisa isbedeli doonin, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Danjiraha Kuuba u jooga Kenya, Ernesto Gomez Diyaas oo la hadlay Wakaalladda Wararka dalka Spain ee EFE News  Agency  waxa uu sheegay inaysan lumin doonin rajada lagu soo badbaadin lahaa Labada Dhakhtar, balse, waxa uu xusay inaysan haynin war cusub oo ku aadan xaalkooda.

Bishii December 30-dii, Madaxweynaha dalka Kuuba, Migwel Diyaaz Kanel waxa uu Khadka Telefoonka kula soo hadlay dhigiisa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo ka wada hadlay dadaalkooda ku aadan in ay Dhakhaatiirta si nabad ah dib ugu soo laaban lahaayeen dalkooda hooyo ee Kuuba.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*