Xildhibaanada Mucaaradka ku ah DFS iyo Madax kasocotay USA oo arin muhiim kawada hadlay.

Waxaa kulan aan Caadi aheyn yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Afrika Tibor Nagy iyo xildhibaanada mucaaradka ah ee ku jira golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay arimo ay ka mid yihiin  amniga, siyaasadda iyo doorashooyinka in ay  waqtigooda ku dhacaan

Xubnaha xildhibaanada ee uu la kulamay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Afrika ayaa waxaa ka mid ah Cabduqaadir Cosoble Cali iyo Faarax Sheekh Sheekh Cabduqaadir iyo xildhibaano kale.

Arintan ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa kadib markii dhawaan  Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Afrika Tibor Nagy uu Muqdisho kula kulmay Xasan CalI Kheyre oo ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxaa ayna markaasi ka wadahadleen xariirka iyo iskaashiga labada dowladood, la dagaallanka Al-Shabaab , qorshaha deyn cafinta iyo Arimo kale.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*