Baarlamaanka Puntland oo sharci darro kutilmaamay in Wasiirka Cadaaladda uu Noqdo kusime Madaxwayne.

Magaalada Garoowe waxaa ku kulmay Guddiga Joogtada ee Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland si ay go’aan uga gaaraan muran ka dhashay qofka noqonaya ku simaha Madaxweynaha, haddii ay safar kuwada baxaan Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenka Axmed Karaash.

Muranka ayaa u dhaxeeyay Laamaha Xeer dejinta iyo Fulinta, waxaana Golaha Wasiirada ay sheegeen in Xilka Madaxweynaha uu kusii simayo Wasiirka Caddaaladda, halka Baarlamaanka uu kahor yimid, sheegayna in Guddoonkooda uu xilkaas xaq dastuuri ah u leeyahay.

Gudiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilladda Puntland ayaa kulankooda kadib waxa ay soo saareen go’aanka cidda noqoneysa ku simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland marka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay maqan yihiin.

Waxa ay dib ugu laabteen sharciga iyo hannaanka lagu dhisay Maamulka Puntland, iyaga oo sheegay in noqonayo mid Baarlamaan, Maadaama Madaxweynaha iyo ku xigeenka ay iyaga soo doorteen, Wasiiradana uu soo magacaabay Madaxweyanaha.

Qoraalka kasoo baxay Guddiga ayaa u qornaa sidaan:-

MARKUU ARKAY:- Dastuurka Puntland Qodobada 2aad, 56aad, 81aad , 83aad iyo 132aad.

MARKUU ARKAY:- Xeerka Hab-maamuuska Puntland ee Xeer Lr.5 ee 08/09/2005.

MARKUU ARKAY:- Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobka 8-aad farqadiisa 18-aad.

MARKUU TIX-GELIYEY:-Go’aankii Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada DPL Fadhigiisii 8-aad ee 23/02/2020.

WUXUU GUDDOOMIYEY:-

  1. In Hannaanka Puntland uu yahay Baarlamaani, waxayna Golaha Wakiilladu awoodda Dastuurku siiyey ku doorteen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka DPL.

2.Ma jiro Dastuur iyo Xeer jideynaya in labada mas’uul isku mar ka wada maqnaadaan dalka.

3.Sababkasta ha ku timaadee haddii ay labada mas’uul ay la soo gudboonaato arrinta ku xusan qodobka 2-aad waxay awoodda kusimaha Madaxweynuhu ku wareegaysaa Guddoonka Golaha Wakiillada sida ku cad qodobada Dastuurka & Xeerarka kor ku xusan.

4.Golaha Wasiiradu waxay xaq u leeyihiin in ay ka shiraan hawlaha ay u xilsaaran tahay Xukuummadu.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. Puntland haddii ay dowladnimo dhab ah doonayso waxaa ku laazim noqonaya in dastuurka qaybtiisa hannaanka dowlo khuseeya wax weyn laga beddelo. Anigu shakhsi ahaantayda waan hayaa talada ugu habboon ee khilaafyadan hoggaanka guud ku saabsan mar keli ah xallin lahaa.

    Waxaa se isbeddellada baahida degdegga ah loo qabo ka mid ah iyada oo qummaati loo kala seero awoodaha madaxweynaha/kuxigeenkiisa iyo tan baarlamaanka. Waa in aanay madaxweynuhu mise kuxigeenkiisu shuqul ku lahayn waxii khuseeya xilalka guddoonka baarlamaanka iyo xigeennada oo ay xildhibaanadu lahaadaan xaasanaddaas iyo xaqa ay guddoonka ku dooranayaan mise xilka kaga qaadayaan.

    Waa in aanay madaxda dowligu yeelanin awood iyo xaq ay guddoonnadaas ku magacaabi karaan mise xilalka kaga tuuri karin. Maxkamadihii qaybaha dowliga ee kala duwan kala hagi lahaa ee dastuurka iyo sharciga ku kala basarin lahaa iyana waa daruuri in ay jiraan waayo la’aantoodu jahawareer baahsan iyo is qabqabsi badan baan sida haddaba wax u dhacayaan laga dhammaan doonin. Dunidaa uu Eebbe uuntay wax walba waxaa lagu kala maareeyaa sharciyo, xeerar, qawaaniin iyo baratakoollo sugan. Maxaa dadkeena u diiday?

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*