DAAWO:- Hogaamiyaha Guud ee Ahlusunna oo soo hadlay “Anaga damaceenu ma ahan Maal iyo Kursi”.

Hogaamiyaha Guud ee Culimada Ahlusunna Waljamaaca Macalin Maxamuud oo shir jaraaid ku qabtay Dhuusamareeb ayaa sheegay in uu ka xun yahay wixii ka dhacay Dhuusamareeb isla markaana waxa uu tacsi udiray dhamaan dadkii ay saamaynta ku yeesheen dagaaladii socday Saacadaha Badan.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in iyaga aysan ahayn Dad damacoodu yahay Kursi iyo Maal, isagoona sharaxay Hadafka Ahlusunna iyo Halgankii ay soo galeen.

Tanaazulka ay qaateen ayuu ku sheegay in aysan katanaazulin Fikirkoodi Caqiidada ku dhisnaa balse ay ka tanaazuleyn Fikirkoodi Siyaasadeed, isla markaana ay udaneeynayaan Shacabkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here