DAAWO Muuqaal:- Maxay tahay Sababta Ganacsatada Boosaaso saakay ushaqo tagi waayeen?

Qaar kamid ah Ganacsatada Boosaaso oo aanu la hadalnay ayaa waxay inoo sheegeen in ay ka cabanayaa canshuurta iibka, oo dhawaan la soo rogay, taas oo ku jirtay miisaaniyaddii uu ansixiyey Baarlamaanka Puntland.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland wali kama hadlin cabashada ganacsatada Boosaaso oo walaac ka muujiyey canshuurta iibka.

Cabashada ganacsatada Boosaaso, ayaa ku soo aadaysa, iyadoo magaalada uu ku sugan yahay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

2 Comments

  1. Marka aydun maqashaan mise aragtaan dowlad si is daba joog ah canshuuraha sare u qaadeysa waxay taasu caddeyn buuxda u tahay dowlad hoggaanka ku fashilmaysa ee la mid ah nin uu daad qaaday oo xumbo cuskanaya. Astaanta ugu horreysa ee lagu garto weeye dowlad aanu u degsanayn qorshe dhaqaale oo lagu tiirsan karo bal se ceebteeda isku dayaysa in ay ku daboosho canshuuraha oo ay maaliyadda ku camirato.

    Tani waxay Puntland ku tahay fadeexad aad u weyn oo muujinaysa qaabka fiiragaabnimada lagu dheehay ee fursadaheeda dhaqaale ee qaaliga ah looga dayacay xaqiiqdii. Sideeda ba labo mabda’ood oo dhaqaale mid ahaantood ayaa aalaa waddamada laga dhaqan galiyaa – (a) kan maalgashiga dowliga iyo (b) kan maalgashiga khaaska ah( aan dowliga ahayn). Kan koowaad dowladda ayaa iyada dakhligeeda waxsoosaarka ku maalgalisa si ay dhaqaalaha u kobciso oo kuna sinto heer ay maalgashiga khaaska ahi xoogeystaan oo ay waxsoosaarka la wareegaan. Kan labaadi waa dowladda oo hab fariidnimo lagu dheehay maalgashiga khaaska ah u fududaysa siyaabihii ay fursadaha jira uga faa’iideysan lahaayeen oo ay waxsoosaarka iyo dhaqaalaha matoorka ugu noqon lahaayeen.

  2. Anigu waxaan ka tirsanahay dadka mabda’a dhexe ku taagan oo ah iskaashi labada daraf ka dhexeeya ee ay dowladdu horseed ka tahay. Puntland si xun ayay u gabtay iskaashi dhaqaale ee ay maalqabeennada u dhashay iyo dowladdeedu isugu gacan saartaan maalgashi xooggan oo waxsoosaar tayo leh iyo dhaqaale dararan lagu kasbado. Canshuurahan ganacsatada lagu dallicinayo fashilkaas ma dadi doonaan ee ama dhaqaalaha ayay qummaati u curyaamin doonaan ama haddii kale burbur dhaqaale ee aan dhakhso looga soo kabanin ayay sababi doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*