DAAWO VIDEO XOG SIR AH Dhagax Qaaliga Soomaliya Laysku Haysto Muxuu Yahay

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay dhagax la sheegay inuu yahay “kheyraad qaali ah” oo si “sharci darro ah” looga soo qaaday deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay cidda soo qaadatay dhagaxan oo yaallay meel ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-Shabaab.

Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in dad u adeegaya Al-Shabaab ay qaadeen dhagaxan ayna ku howlanaayeen sidii ay ugu iib geyn lahaayeen.

Hoos Warbixin ka Daawo

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre , oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Al-shababaab ay ku baraarugeen in dhagaxan uu yahay mid qeyrul-caadi ah.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. Warbaahiyeesha soomaaliyeed ee xalaasha ah waajib aasaasi ah ayaa waxuu ka saaran yahay in ay shacabweynaha Soomaaliyeed baraarujin iyo wacyi galin baahsan uga sameeyaan xaqiiqooyinka dhabta ah ee ku saabsan macnaha dowladnimada saxda ah iyo qarannimada sugan.

    Mowdduucyada sida kan suubsan arrimaha kheyraadka dabiiciga ah ee dalka sida shidaalka, macdanta iyo dhagaxaantan haddeer la hadal hayo in ay Soomaaliyi isku qabqabsato mise xataa sideedii isku layso wax faa’iido ah ee uga soo kordhayaa ma jiraan aan khasaare guud ahayn. Sabab?

    Sababtu waxaa weeye waddamada adduunku marka ay kheyraadka ka kala ganacsanayaan waxaa xukuma oo xakameeya shuruuc, xeerar iyo qawaaniin dowli ah ee sugan oo aad loo ilaaliyo. Dowlad mise shirkado ay iyadu rasmi u diiwaan galisay oo ay rukhsadda soosaaridda iyo iib geynta kheyraadkaas siisay ayuun baa kheyraadkaas laga gadanayaa. Waxii ka baxsani waa suuq madoow oo aan waxba laga dheefahayn.

    Hawlahani in dowladda federaalka iyo maamullada ay ka kooban tahay si rasmi ah loogu daayo si ay kaga qurux badan tahay ma jirto xaqiiqdii. Hanti qaran oo Soomaalida dhammaanteed iyo deegaannadooda toos u anfaca ayay noqonayaan marka suuqa xalaasha ah ee caalamka lagu la ganacsado. Tuugada iyo beenawaasyada yaan dheg jalaq loo siinin waayo wax aan luggooyo iyo ragaad ahayn kama talinayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*