DAAWO VIDEO:Deg Deg MD Erdogan oo Ku Dhawaaqay Qorshe Difaaca Quds,Hadii Qof Dagalama La Waayo Aniga Galaya

Madaxweynaha Turkiga Ayaa Sheegay Inay Halka Kaliya ee islaamka Ka Midaysan yahiin tahay Qadiyada Falastiin,Hadii Maraykanka uu Dhul Siinayo Israelna waxaa uu Ugu Yeedhay Inuu siiyo Dhul maraykanka Ka mida Isaga Aad u Weyne.

Inkasta oo hadalka Turkiga uu cad yahay Hadana waxaana Jirin tageero Madaxda Islaamka oo Turkiga Ku tageerayaan,Halka Ay Qaar ka Mida Isaga Cadow u Arkaan.

Halkani Hoose Video Ka Daawo

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

3 Comments

  1. Mudane Erdoganoow halyey baad muslimiinta cindigooda ka tahay laakiin hore ayaynu aragnay mise maqalnay madaxweyne dal muslim ah oo marka uu dalkiisu yara xoogeysto ba bakhbakh iyo booteyn laga hadhsan waayo oo deeto inta uu dalkiisa gaalo ka awood badan ku soo kiciyo dhulka lala simo. Shiikh Kishki ayaa laga hayaa “bal taariikhda wareysta”.

    Anigu Erdogan mudnaan ayuu agtayda ka leeyahay laakiin in dhawaale in uu soo asaasaqayo iyo in kale garan maayo ee si baa odayga loogu weyn yahay xaqiiqdii. Waqtigan xaadirka ah ma aha mid gaalada reer Galbeedka iyo Ruushka ba la istu taago ama Israa’iil la daandaansado marka jawiga siyaasadeed ee dunida la cabbiro.

  2. Mujrimkii Trump ahaa waa kan soo laba kacleeyay. Ingiriis na mintidiinta Israa’iil taakeeya ayaa gacanta ku dhigay. Mujrimkii weynaa ee Netanyahu isna waa kan musuqmaasuq kursiga dib ugu soo laabtay. Yurubta badankeedu gooh iyo guhaad Islaam naceyb ah ayay la gurxamaysaa. Waddanka ay isha aadka ugu hayaan na waa Turkiyada soo xoogeysatay. Giriigga ayuu Erdogan hadda juqajuqeynayaa oo Faraansiiska ayaa jaa u soo gurmaday.

    War Erdoganoow adeeroow Allahaa Alle ma yahay? Hareerahaaga eeg oo caqliga ka shaqeysii. Adiga oo aan gaalada isu soo jiidin baad siyaabo kale oo badan caalamka Islaamka ku taageeri kartaa. Idinka iyo Khaliijka oo dhaqaalaha isku darsada oo ganacsiyada caalamka ee badaha toos u la wareega iyo waddama muslimka oo aydun maalgashataan ayaa guul idiin kugu filan Erdagnoow. Qudus nasrigiisu dan buu u iman ee qunyar soco.

  3. Qudis Allah Ayaaleh Muslimiin-ta
    Ayuuna Ku Galadeeysta” Deeq Uu Allaah Bixiyay-na (Gaal) Majoojinkarro??.

    Gaallo Marhore Ayay Iskudayday In Ay (Al-Qudis Iyo Dhulka Muslimiin-ta) Kuxadgubaan!!
    Laakiinse Xageebeey Kudanbeeyeen???.

    Allaah Ayaa Cizi Iyo Awood Leh
    Kabacdina (Rasuulka Iyo Muslimiin-ta Ayaaleh)
    Laakiinse Gaaladu Waxba Kama’ogga. Hadalka Erduqan Waasax
    Waqtigga Muslimiin-tuna Waqti Walba Iyo Meelwababa, Waaxor!! Waana Xaq!! Waana Guul!!.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*