DEG DEG AKHRISO:Meelaha Dhulbahante iyo Warsan-Gali oo Iclaamiyey Dagaal Xoogan Somaliland Ka Dhan Ah

Ku. Dawladda Soomaaliyeed

Ku. Hayada Qaramada Midoobay

Ku. Shacab Weynaha Dhulbahante iyo Warsangeli Meelay Joogaanba

Ku. Xildhibanada iyo Dhaamanba Cid Kastoo Xilka Haysa Dawlada Federaalka iyo Puntland una Dhalatay SSC iyo Haylaan

Ujeedo. Xorayn Gobolada Sool iyo Sanaag iyo Cayn iyo Haylaan iyo u Samayn Maamul Goboleed
********************************

Gudiga Fullinta Waqooyi Bari Soomaaliya oo Wakiil Ka Shacabka Dhulbahante iyo Warsangeli Waxaanu ugu Baaqaynaa Dhamaan Shacabka Dhulbahante iyo Warsangeli inay u Istaagaan


1. Sidii Ay Dhulkooda uga Xorayn Lahaayeen Jabhadda SNM ee uu Hogaamiyo Gacan Ku Dhiiglayaasha Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin.
2. Inay u Istaagaan Sidii ay u Dhisan Lahaayeen Maamul Goboleed Waqooyi Bari Soomaaliya oo ay Dalkooda iyo Dadkooda Ku Difaacdaan Maadaama Puntland Ku Fashilintay Difaaca iyo Horumarka Deegaanada Waqooyi Bari Soomaaliya.

Dawlada Federaalka Soomaaliyeed Gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Raisal Wasaare Xasan Cali Kheyre Waxaanu Xasuusinaynaa in Dadka Snm Ku Laynayso Gobolada Sool iyo Sanaag iyo Cayn iyo Haylaan iyo Cunaqabataynta
Aad Saarteen in ilaahay idinkula Xisaabtami Doono Maadaama aad u Dhaarateen Difaaca Dadka Soomaaliyeed idinkoo Kadib Markaad Ku Daawateen Soomaaliland Dhibaatada Joogtadaah ay Ku Hayso Shacabka Warsangeli iyo Dhulbahante.

Ugu Dambayn Waxaan Mar Labaad Shacabka Warsangeli iyo Dhulbahante ugu Baaqaynaa inay u Diyaar Garoowno Halgan Dheer oo Taariikhda u Gala Shacabkeena oo aan Kaga Xoraynayno Dhulkeena SNM

Guddiga Fullinta Waqooyi Bari Soomaaliya

26/2/2020

بسم لله الرحمن الرحيم السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Ku. Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed
Ku. Madaxweynaha Dawladda Soomaaliyeed Maxamed Cabdilaahi Farmaajo
Ku. Raisal Wasaarha Xukuumada Soomaaliyeed Xasan Cali Kheyre
Ku. Hayadaha Xuquuqul iinsaanka iyo Xafiisyada Qaramada Midoobay UN.
Ujeedo. Canbaarayn Jabhadda SNM ee Muuse Biixi Waxaa Maanta oo ah 26/2/2020 Taariikhdu ahayd Gobolka Sanaag Gaar ahaan Degmadda Hadaaftimo Weerar Ku Soo Qaaday Ciidamo Snm ama Soomaaliland oo ay Amreen Gacan Ku Dhiiglaha Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin Maaliyshiyaadkaas SNM Waxay Weerareen Deegaano Nabad ah Waxayna Ku Laayeen Dad Shacab Soomaaliyeed oo aan Waxba Galabsan Sidoo Kale Waxay Barakiciyeen Shacab Badan oo Ku Noolaa Deegaanadaas Gobolka Sanaag.
Sidaas Darteed Waxaan Madaxda Soomaaliyeed ee KorKu Xusan iyo Hayada Caalamiga ahba Ka Codsanaynaa Inay Soo Fara Geliyaan Dhibaatada ay Soomaaliland Ku Hayso Shacabkayaga iyo Dhulkayaga oo ay Xoog iyo Qori Caaradii Ku Haystaan Rabaana inay Ku Khasbaan Waxaanay aamin Sanaynoo ah Tay iyagu Aaminsan Yihiin oo ah Kala Goynta Ummadda Soomaaliyeed.
26/2/2020
Arbaco

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. ASC WR WB.

    Xiisadaha colaadeed, duulaanka gardaro iyo xadgudibyadda rajiimka SNMtu kacwadaan degaamadda Gobolja Sanaag qaybo ka mid sh gaar ahaan(Hube
    iyo Hadaaftimo) khasaare dhimasho iyo dhaawacba u geeystaan fad rayid ah nabadgelyo iyo xoriyad ugu noolaa degaankooda,duulaankaas oo noqonaayaa xadgudub lidku ku ah shateecada Islaamka iyo xeerarka caalamiga ahba kana dhigaaya kuwa geeysyeey iyo hogaankoodaba dembiilayaal mudan maxkameeyn.

    Inkastoo guul daro weyn kala kuleen degaanka Hadaaftimo kuna una suirta geli weydeey qabsashadeedu kadib markii difaac iyo iska caabiin weyn kala kulmren xoogaga degaanka iyo dadweynahaba,qorshaha duulimaadkaas ayaa salka ku hayo qaranimo diidnimo iyo midnimo naceeyb maadaama shacab weynaha W.Bari(SSC iyo Hayland) yihiin tiir adag oo si joogto ah ugu taagan midnimada iyo qaranimada Somaaliyeed.

    Nasiib darada jirta ayaa ah in D F.Somaaliyeed dhabarka u jeedineeyso,xuquuq iyo saami duudsi cad ku sameeyneeysa shacabka wafaniga ah Reer W.Bari, waxaa dhaliisha qaybtooda ku leh cid kastoo doorkoodii dayacay una dhashay W.Bari.

    Inshaa Allah Xaqa Ayaa Guusha Len

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*