Masuuliyiin lagu xir xiray Dhuusamareeb

Wararka ka imanaya degmada DhuusaMareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in la xiray mas’uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyihii hore ee  degmada  maamulkii Ahlu Sunna Waljameeca.

Axmed Walad Cabdulla Guddoomiyihii hore ee degmada DhuusaMareeb iyo mas’uuliyiinta kale ee xabsiga loo taxaabay ayaa la sheegay in la qabtay xili ay ka soo baxeen Xarunta INji oo fariisin u ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljameeca.

Lama oga sababta loo xiray mas’uuliyiinta hasse ahaatee waxaa la rumeysan yahay in arintan ay daba socto tallaabo la doonayo in lagu xaddido  dhaqdhaaqa saraakiisha Ahlu Sunna.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca hoggaanka Ahlu Sunna oo la xiriira xariga mas’uuliyiintan uu ka mid ahaa guddoomiyihii hore ee degmada DhuusaMareeb.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*