Maxkamada sare Puntland oo furtay kiiska gabadh 11 jira oo u geeriyootay kufsi loo geystay

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa dib u furtay dhegeysiga dacwadda Najma Cabdulqaadir oo ahayd gabadh 11jir ah oo sanad ka hor u geeriyootey kufsi loogu geystey Burtinle.

Maxkamada ayaa waxaa kasoo muuqday saddex dhalinyaro ah oo horey loogu xukumay min labo sano oo xadhig ah, sidoo kalena la marsiiyay 50 dhaarmayd iyo inay bixiyaan qeyb kamid ah magta maxruumada.

Xukunka raggaan oo horey ugasoo gudbay maxkamadda darajada koowaad iyo racfaanka ayay maxkamada sare amartay in dib loo furo, si looga gungaaro kiiskaan.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay in kiiska dib loo dhigay illaa labada bisha saddexaad, kadib markii la waayay qareenadii difaaci lahaa xukumanayaasha, sababo la xidhiidha qareenada oo ka cabanayay lacago canshuuraad ah oo lagu kordhiyay.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*