MD Deni oo Magacaabay Guddi ka kooban 11Xubnood oo ka shaqeysanaya Shirwaynaha Wadatashiga.

Madaxweynaha dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Talaado ah magacaabay, guddi qaabilsan qaban-qaabada Shirweynaha Wada-tashiga Puntland, oo sida qorshaysan la qaban doono 15-ka bisha soo socota ee March 2020-ka.

Guddiga oo ka kooban 11 xubnood, waxaa guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, halka guddoomiye ku xigeenkuna yahay wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gabilay).

Guddiga oo isugu jira wasiiro, xildhibaanno, la taliye madaxweyne iyo xubno ka tirsan Bulshada Rayidka Puntland, ayaa u xil saran qaban-qaabada iyo qabashada Shirweynaha  wada-tashiga Puntland oo uu horay u iclaamiyay madaxweyne Deni.

Shirka ayaa lagu casumay dhammaan  Golayaasha Puntland, Wakiillada ku matala dowladda Federaalka, Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka, si looga tashado mustaqbalka Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgalinta hanaanka Federaaleynta dalka.

Hoos ka akhriso magacyada guddiga

  1. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda _ Gudoomiye.
  2. Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada _ Gudoomiye ku-xigeen.
  3. Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha _Xubin.
  4. Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha _ Xubin.
  5. Laylo Cabdi Cartan, Lataliyaha Madaxwaynaha _ Xubin.
  6. Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan _ Xubin.
  7. Mahdi Siciid Xasan, Xildhibaan _ Xubin.
  8. Cabdiraxmaan Maxamed Bangax, Bulshada rayidka _ Xubin.
  9. Maxamuud Ismaaciil Ciyoon, Bulshada rayidka _ Xubin.
  10. Axmed Cabaas Axmed, Bulshada rayidka _ Xubin.
  11. 11. Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe), Bulshada rayidka _ Xubin

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

3 Comments

  1. Siciid Deni shirkan uu iclaamiyay in aanay ka daacad ahayn baan u maleynayaa. Sababtuna waxaa weeye muddada aadka u gaaban ee uu u magacaabay in uu ku qabsoomo. Reer Puntlandka dunida daafaheeda daadsan oo aqlabiyaddoodu ay waddamada Galbeedka ku nool yihiin taariikhdan shirka loo qabtay munaasab u ma aha haba yaraato ee.

    In badani way shaqeystaan oo waxay u baahan yihiin in la siiyo firaaqo iyo waqti ugu filan in ay shaqooyinkooda rukhsado ka dalbadaan oo loona ansixiyo. In ay kharashka safarradooda qaban qaabiyaan ayay waqti ku filan ugu baahan yihiin. Carruurtooda in xilliga fasaxa dheer loogu beego ayay u baahan yihiin. Sidee bay xaqiiqooyinkani u seegeen madaxda Villa Garoowe?

  2. Mubarik Yusuf,

    Haye, ma magacyadii lagu caaytami jiray baa maanta la soo qaatay markii SNM doodda looga badiyay?

    Ha jabaqleyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*