DAAWO:- Dowladda Mareekanka oo hanjabaad udirtay madaxwaynaha Afghanistan

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay jari doonto $1 Billion oo ka mid ah lacagaha uu Mareykanku ku cawiyo dowladda Afgaanistaan.

Xoghaayaha arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka Mike Pompeo  ayaa yiri, “Waxaa ay dowladda Mareykanka jara doontaa lacag badan oo aanu ku caawin jirnay xukuumadda Afgaanistaan, kadib markii uu Madaxweyne Ashraf Afghani kufashilimay in uu soo dhiso dowlad wadaag ah, waxayna dowladda Ashraf caqabad ku noqotay dadaallada nabadeed ee Mareykanku uu ka wado Afgaanistaan”.

Waxaa natiijo la’aan ku soo dhamaatay dhax-dhaadin ay gar-wadeen ka aheyd dowladda Mareykanka oo lagu doonayey in lagu xaliyo khilaaf daba dheeraaday oo ka dhashay doorasho Afgaanistaan ka dhacday lix bilood ka hor.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*