DAAWO:- Laba Nin oo Kufsi ugaystay Gabar Rakaab ahayd oo ku dhex safraysay Deegaanada Hirshabeele.

Wararka ka imaanaya degmada Warshiikh ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in gabar la socotay gaari rakaab ahaa oo maraayay deegaan hoostaga degmada Warsheekh  xalay laba nin oo hubeysan ay ku kufsadeen.

Deegaanka uu falka ka dhacay ayaa waxaa lagu magacaabaa Burka Sifacad degmada Warshiikh ee gobolka shabeellada Dhexe.

Guddoomiyaha degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeellada Dhexe Xasan Maxamed Axmed ayaa waxaa uu xaqiijiyay kiiskan kufsiga, isagoona sheegay in haatan la xiray labada nin ee gabadha kufsaday.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu xusay in gabadha la kufsaday loo soo qaaday mid ka mid ah isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoona haataan xaaladeeda caafimaad lagu baxnaaninayo.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in  maxkamad la hor keeni doono labada nin ee kufsiga u geystay gabadha, islamarkaana cadaalada la marsiin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here