DAAWO VIDEO:Dowlada Somaliya oo Shacabka Somali Uga Farxisay Deyn Cafinti Guul Ku Dhamaatay.

Soomaaliya ayaa gaartay marxaladdii koowaad ee dadaalka ay dooneyso in deynta looga cafiyo, taasi oo loo yaqaan Decision Point, oo macnaheedu yahay inay u qalanto in deynta-laga cafiyo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay IMF iyo Banka Adduunka.

Soomaaliya ayaa hadda billaabeysa safarka iyo dadaalka ay ku dooneyso inay ku gaarto marxaladda labaad ee deyn-cafinta oo loo yaqaan Completion Point, taasi oo qaadan kartaa sanado saddex sano, si si-buuxda looga cafiyo deynta ay ku leeyihiin deyn-bixiyayaasha caalamiga ah.

“Deyn-cafinta waxay Soomaaliya ka dhigi doontaa inay dadkeeda u sameyso is-beddel waara, ayada oo u ogolaaneysa in deynta lagu leeyahay oo ah 5.2 bilyan dollar laga dhigo 557 milyan, marka ay gaarto marxaladda Completion Point muddo saddex sano gudaheed ah,” ayaa lagu yiri qoraal wadajir ah oo kasoo baxay hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee Banka Adduunka.

Si kastaba, marxaladda ay hadda gaartay Soomaaliya ayaa u ogolaaneysa inay hesho fursad ay maal-gelin uga hesho barnaamijka horumarinta caalamiga ah ee Banka Adduunka ee loo soo gaabiyo (IDA), iyo la shaqeynta garabyada kala duwan ee Banka Adduunka. Waxay sidoo u ogolaaneyso Soomaaliya inay hesho deymo cusub.

Valueimpression Placeholder

IMF iyo Banka Adduunka ayaa sheegay in Soomaaliya ay sameysay xasilooni iyo is-beddelo dhaqaale, qorshe lagu yareynayo saboolnimada, iyo is-beddelo lagu xoojinayo xasiloonida miisaaniyadda.

“Si Soomaaliya u gaarto maraxaladda uga dambeysa ee Completion Point, IMF iyo Banka Adduunka waxay sii wadi doonaan inay mas’uuliyiinta Soomaaliya siiyaan caawimaadda farsamo iyo midda siyaasadeed ee ay u baahan yihiin si ay ugu guuleystaan hadafyadooda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. ASC.
    Bayle haddii uu run sheegayo lacagaha ay qaateen Cabdiqasim Salaad,Shariif,Xassan Shiikh,Ina farmaajo iyo Xassan Cali Khayre ha ku yiraahdo soo celiya lacagahaad ka dhacdeen soomaaliweeyn.Haddii kale waxba ka dhagaysan mayno ee uusan is daalin.Bayle dadka shacabka dhacay wuu yaqaan lamase hadlo saan filayo.War Daynta uu la wareegayo Bayle xaggee bay ku baxday 5.2 billion dollars?

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*