DAAWO VIDEO:Gantaalo Lagu Garaacay Madaxtooyada Sucuudiga Iran Iyo Xuutiyinta Ka Danbeyey.

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanto gudaha dalka Yemen, ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerar Gantaalo ah oo lagu garaacday gudaha dalka Sacuudi Carabiya oo hoggaaminayo duulaankii lagu qaaday Yemen dhawr sano ka hor.

Kooxdaan ayaa sheegatay inay Gantaalo ku garaacday gudaha qasriga boqortooyada Sacuudi Carabiya, sida lagu daabacay warbaahinta ku hadasho afka kooxdaan.

Xuutiyiinta ayaa sheegtay in gantaaladaas ay ka dhasheen khasaaro inkastoo aysan kooxdaan sheegin tirada dadka ku wax yeeloobay weerarkaas.

Warbixin Hoos Ka Daawo

Dowladda Sacuudiga oo ka hadashay sheegashada kooxdaan ayaa xustay inay ku guuleystay inay hawada ku burburiso laba gantaal oo nooca balaastikada ah oo ay xuutiyiinta kusoo rideen Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh iyo Magaalada Jeysaan.

1 COMMENT

  1. Shaxda halista ah e ay reer Galbeedku ciyaaraan waa mid lala yaabo xaqiiqdii. Sida labo dibi oo maro cas lagu daandaansanayo ayaa Sacuudiga iyo Iraan loo hiyikicinayaa si Sacuudiga loogu khasbo in uu hantidiisa ku sii khasaariyo iibsashada hubka reer Galbeedka oo ay dhaqalahooda sii liicaya ugu sii naas nuujistaan, Iraan na loogu meel marsado qiilal lagu sii curyaamiyo.

    Waxaa se dhacaysa in isla markaasi na ay Sacuudiyiintu hantidooda iyo dhaqaalahooda hoosta u dhacay sii idlaynayaan. Wuxuushta xuutiyiinta Yaman waa hore ayaa lagaga takhalusi lahaa ee waxaa iyana magaca “gargaarka aadminimo” ku quudinaya oo sii xoojinaya isla sirdoonka reer Galbeedka oo hayado caawimaad bixiya ahaan Yaman ku jooga. Ujeeddada kale ee meeshan ku duugani waa shirkadaha iyo dowladaha reer Galbeedka oo saliidda madoow cabsida colaadeed ku diiqad galinaya si uu sicirku cirka iskugu shareero oo ay hanti culus uga sii kasbadaan ay dhaqalahooda sii liicaya ku kabaan.

    Masiibada humaagga nagu noqotay ayaa ah sida ay wuxuushtan argiggixisada ah ee magaca Islaamka afduubtay u seeggan tahay in falalkoodaasi ay sababayaan sicir barar joogto ah ee isla dadka ay ku andacoonayaan in ay diinta ku dhaqi rabaan maciishaddooda iyo noloshooda si ba’an uga galaafanaya. Bal maxay wax diinta ku xukumaan dadkii ba lee’de ee?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here