DAAWO VIDEO:Qodobada Kasoo Baxay Shirka Garoowe Iyo Puntland oo Gogol U Fidisay Jubbaland Iyo Dowlada Faderalka Iyo Maamul Goboleedyada

Qodob kamid ah War-murtiyeed ka soo baxay Shirk, ayaa lagu sheegay in Puntland ay Shir weyne Wada-tashiya ku casuntay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka, si looga tashado khilaafka labada dhinac iyo arrimaha doorashooyinka soo socda ee 2020/2021.

Sidoo kale, Puntland waxay qaaddacday Sharciga doorashooyinka heer Federaal oo ay ansixiyeen labad Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, uuna saxiixay madaxweyne Farmaajo, Sharcigaas oo Puntland ku tilmaantay mid baal-marsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka, islamarkaana dalka ku celinaya Nidaamka 4.5 ee Saami qeybsiga Beelaha.

Dhinaca kale Shirka ayaa lagu go’aamiyay in la qabto Shir weyne heer Puntland ah oo looga arrinsanayo soo celinta degaannada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ka maqan gacanta Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here