DAAWO VIDEO:Qudbada MD Farmaajo Dhanka Internetka Shirka IGAD Shirarkii Madaxda Dunida Internet loo Badaley.

HADAL-JEEDINTA MADAXWEYNAHA JFS MUDANE MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO EE SHIR MADAXEEDKA GAARKA AH EE DALALKA IYO DOWLADAHA IGAD EE KU SAABSAN CORONAVIRUS (COVID-19)
ISNIIN, 30-KA MAARSO, 2020
Mudane Cabdalla Xamduuk, Ra’iisul Wasaaraha Suudaan iyo Guddoomiyaha IGAD,
Madaxda Dalalka, Mudanayaaal iyo Marwooyin
Waxaan si diirran u soo dhawaynayaa Shirka Madaxda IGAD ee wakhtigii loo baahnaa ku soo aaday, kuna saabsan Cudurka Coronavirus ee saf-marka ah. Waxaan u mahadcelinayaa walaalkay Mudane Cabdalla Xamduuk, Ra’iisul Wasaaraha Suudaan oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Golaha Madaxda Dalalka iyo Dowladaha IGAD iyo Mudane Workeneh Gebeyehu, Xoghayaheenna Guud iyo Dr Abiy Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya maadaama ay dhammaanteen isugu kaaya keeneen Shir Madaxeedkan muhiimka ah.
Waxaan sidoo kale bogaadinayaa dadaalka Madaxda Dalalka IGAD ay wakhtigan adag wax kaga qabanayaan cudurkan halista ah ee Coronavirus, taasi oo oo uu shirkani caddayn buuxda u yahay.
Video Qudbada
Caabuqa Coronavirus siyaabo badan oo aan horey loo arag ayaa uu adduunka caqabad ugu noqday, Soomaaliyana, sida dal kasta oo caalamka ka mid ah, waxa ay xoogga saartay fahanka, ka hortagga iyo ka falcelinta caqabaddan halista ah ee caafimaad oo uu adduunku weli u nugul yahay. Sida hore loo xusay, marka la tixraaco waxbixinnada caalamiga ah, tirada kiisasku waxay kor u dhaafeen 600,000 iyada oo tirada dhimashadu ka badan tahay 20,000. Ka sokoow dhammaan dadaallada caalamiga ah, tiradan qalbi-jabka ahi weli waa ay sii kordhaysaa. Dhab ahaantii, tiradani waa mid murugo eh oo ku soo aadday xilli caalamka oo dhan mugdi hareeyay.
Ka falcelinta caalamiga ah ee cudurka Coronavirus waa mid bogaadin mudan balse muujinaysa sida aanu caalamku ugu diyaarsanayn cudur noocan oo kale ah. Dadaalka loo dhan yahay ee caalamiga ah oo ay qayb ka yihiin wacyigelinta dadweynaha, kala-fogaynta bulshada, xiridda goobaha dadweynaha, hay’adaha iyo ganacsiyada, xaddidida dhaqdhaqaaqa dadka iyo karantiilka dadka xanuunkan qaba waxay sidoo kale calaamad u tahay aqoonta kooban ee aan cudurkan u leennahay. Sidaasi si lamid ah, waxa maanta loogu baahi badan yahay iskaashi, wadashaqayn iyo in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo lagu sugayo bedqabka mid kasta oo ka mid ah muwaaddiniinteenna.
Soomaaliya waxa ilaa hadda la hayaa 3 kiis oo cudurka Coronavirus ah, waxaanu qaadnay dhammaan tallaabooyinka muhiimka ah iyo kuwa siyaasadeed ee lagu la tacaalayo, laguna yaraynayo saamayntiisa. Waloow kooxaha iyo khubarrada Wasaaradda Caafimaadka ee heer Federaal iyo kuwa Dowlad Goboleedyadu ay hawl fiican hayaan, haddana weli Soomaaliya waxay u nugushahay xaalad caaifmaad oo degdegga ah oo baaxaddan leh maxaa yeelay waxa weli curdin ah hannaanka caafimaad ee dalka oo hadda dhismaya. Aniga oo arrintaas garawsan isla markaana tixgelinaya xaddiga halista ah ee uu cudurkan caalamka iyo gobolkeenna ugu faafayo, waxaan soo dhawaynayaa yagleelidda istaraatijiyad heer Gobol oo ay IGAD leedahay taasi oo lagu la tacaalayo halistan caafimaad ee saf-marka ah.
Waxaan sidoo kale dhiirrigelinayaa in si degdeg ah loo abuuro hannaan ay khubaradda caafimaadka ee gobolkeenna oo ay hoggaaminayaan Wasaaradaheenna Caafimaadka iyo Hay’adeheenna Caafimaadka Guud ay ku wada xiriiri karaan, xog ku wadaagi karaan isla markaana laga hago dadaallada heer gobol. Dagaalkan aynu kula jirno caabuqa corona virus, tallaabooyinkan aqoonta ku dhisan iyo faragelinta dhanka caafimaadka guud waxay fure u yihiin badbaadada nolosha dadkeenna walaalaha ah. Xaqiiqatan, Coronavirus ma yaqaanno xuduud, sidaas awgeedna waxaynu u baahannahay inaynu yeelanno gaashaan guud oo aan isaga difaacno.
Mudanayaal iyo Walaalayaal,
Saamaynta Coronavirus keliya kuma koobna xaalad degdeg ah oo caafimaad. Waxa uu abuuray anfariir iyo cabsi, sida ay qabto Hay’adda Lacagta Adduunkuna, waxa uu sababi karaa dhaqaale xumo caalami ah. Tani waa run qaraar oo ka jirta gobolkeenna maadaama dhaqdhaqaaqyadii iyo xaddigii ganacsi ay hoos u dhaceen taasi oo ay ka dhalanayso shaqo-la’aan iyo kalsooni darro ganacsi. Marka la fiiriyo tallaabooyinka siyaasadeed ee la xiriira caafimaadka guud kuwaasi oo lagama-maarmaan ah, caalamka oo dhanna laga hirgeliyey, gebi ahaan ganacsiyada isugu jira hawada, ka ganacsiga alaabaha, adeegyada xirfadleyda iyo dalxiisku waa ay dhibban yihiin, taasina waxay saamayn halis leh ku yeelatay ururinta dakhliga gudaha iyo dakhliga shakhsiyaadka. Khasaaraha dhaqaale waa mid halis leh, gobol ahaanna, waloow dal walba qorsheeyay tallaabooyin maaliyadeed oo u gaar ah oo uu ku yaraynayo dhibaatada whakhtiga dhaw, haddana ma lihin sanduuq guud oo loogu talagalay yaraynta halista dhaqaale ee uu sababi karo caabuqani wakhtiga dhexe iyo kan fog.
Arrimahan maaliyadeed ee muhiimka ah marka la fiiriyo, waxa lagama-maarmaan noqonaysa ka faa’idaysiga qoondada heer gobol ee Hay’adaha Maaliyadda ee Caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika maadaama ay kaabayaan qoondada dal walba ugu talagalay arrintan iyo mashaariicda hadda socda iyo kuwa mustaqbalka ee dhanka caafimaadka.
Sidaasi awgeed, waxaan soo jeedinayaa in ay Wasiirrada Maaliyadda dalalka IGAD kulan gaar ah la yeeshaan Bangiyada Horumarinta iyo sidoo kale saaxiibbada kale ee caalamiga ah si arrimahan looga miradhaliyo.
Mudanayaal iyo Walaalayaal,
Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa xaqiiqada ah in maanta Cudurka Coronavirus siyaabo aan horey loo arkin caqabad innoogu yahay isla markaana uu daaha ka fayday itaal darrideenna ku aaddan u diyaarsanaanta cudurrada saf-marka ah iyo khasaaraha dhaqaale ee ka dhasha. Run ahaantii xanuunkani waa mid dilaa ah, waxaynuna u baahannahay inaynu itaalkeenna iyo iskaashigeenna isugu geyno sidii aan u xaqiijin lahayn bedqabka dadkeenna, dalalkeenna iyo gobolkeenna innaga oo isla markaana yaraynayna saamayntiisa halista ah eee caafimaad iyo dhaqaale. Cudurka Coronavirus waa inuu sabab u noqdaa inaan baraarugno oo aan dhammaanteen si dhaw u yeelanno iskaashi heer gobol oo taabanaya dhanka bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda si aan u xaqiijinno amniga, horumarka iyo barwaaqada guud ee shacabkeenna walaalaha ah.
Mahadsanidiin Dhammaantiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here