Degdeg:- Somaliland oo shaacisay laba kiis oo kusaabsan Coronavirus oo laga helay laba magaalo.

Somaliland ayaa xaqiijisay Kiisaskii ugu horreeyay ee Cudurka Corona Virus.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in ka dib markii baaritaano lagu sameeyay dad horay looga shakiyay labo ruux oo ka mid ah laga helay Corona Virus.

Laba qof ayaa kala ah nin Shiinaha u dhashay oo Berbera jooga iyo nin reer Burco ah oo UK ka soo laabtay.

Somaliland waxa ay sheegayaan in labadda ruux ay Xaaladood Caafimaad wanaagsan tahay, islamarkaana hadda ay la tacaalayaan laamaha Caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here