Muwaadin somali ah oo lagu dilay Koonfurafrica xilli dalkaasi uu ku jiro xaalad degdeg ah.

Muwaadin soomaaliyeed ayaa waxaa xalay lagu dilay dalka koofur Afrika, kadib markii kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ay muwaadinkan ku dileen goobtiisa ganacsiga.

Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa  Yaasiin Maxamed Yalaxow,xilli oo ku sugnaa Goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Xaafadda Philipi ee Magaalada Cape Town.

Kooxda dilka geystay ayaa la sheegay in ay  goobta ka baxsadeen.

Waxaa sii kordhaya dilalka qorsheysan ee loo geysanayo soomaalida ku nool dalka Koofur Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here