Su’aal Muhiim u ah Warsangeli “Puntland miyaa lawada lee yahay mise waa lakala lee yahay?”.

Puntland waa lawada dhistay waana lawada leeyahay. la kala dheeree orodse maaha kii xuquuqdiisa dayacay ama doonan karin waayay isagay jirtaa

Awooda siyaasadeed layskuma sooro laakiin waa lakala dhacsada adoo dariiqyo badan u maraya
Xilalka awooda Maamul cidina kula caashaqi mayso hab loo dhacsado ayaa jira iyadoo caqli lagu darayo laakiin lama calaacalo

Wax kastaa talo ayay ku xiran tahay hadaad tashan waydana waa laguu talin horaa loo yiri
Rag tashaday cir tararay waa toli karaa

Reer Sanaag iyo Haylaanow Puntland waxabaynu ka dhisanay maanta oo meel fiican maraysana cidna uga tegimayno waxa keliya ee inaga khaldan aynu dhexdeena ka saxno waayo inaga dhexdeena ayaan u sinayn habka xilalka Puntland wixii Puntland inagaga maqana aan doonano dariiq kasta aynu u marnee

Reer Sanaag iyo Haylaan maanta maalin ay ka Aqoon badan yihiin ma jirto maalin ay ka awood Ciidan badan yihiina ma jirto laakiin maalin ay kal talo xun yihiin lama soo marin aan anigu isu horaysiiyee

Waxaa Qoray:- Hon abdiraxman Dhoore oo katirsan baarlamaanka Puntland

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

4 Comments

  1. Ina adeerkeen Dhoorre aniga ayaa jawaab waafi ah ka siinaya dabuubtaas uu sida waafiga ah inoo la wadaagay.

    Dadka xadaaradda taariikh ku lihi dunida oo dhan waxay ku darajadaas sarreysa ku gaaraan saddex masaladood oo ilbaxnimada gundhig, gaashaan iyo gabbood ba u ah sideeda ba.

    1. Cilmi iyo Aqoon: Waxay madaxdoodu isku hareereeyaan haldoorrada bulshadooda ee ilbaxnimada caalamka u dhuun daloola sida waxgaradkooda, aqoonyahannadooda, cuqaashooda iyo culimadooda. Kuwaas ayaa dowladahooda haga oo lana toosiya talooyinka masiiriga ah ee ay noloshoodu iyo dowladnimadoodu ku xidhan yihiin.

    2. La Dagaallanka Jahliga: Waxay xoogga saaraan in shacabka sida ugu sahlan loogu baahiyo waxbarashada iyo aqooneynta oo ay u waheliyaan wacyi galinno iyo baraarujin joogto ah si shucuubtoodu ay uga xoroobaan caadifadaha iyo dareenka uu jahligu curiyo oo ay macnaha dowladnimada iyo xadaaradda dhabta ah u dhaadaan oo wax walba ugu qiyaasaan si kasta oo ay siyaasaddu u dhacayso.

    3. Sugidda Waxa U Muqaddaska ah: Dad mise qowm kasta oo ilbaxnimo soo maray waxaa xadaarad u noqota falsafad giddigooda ka dhexeysa ee siyaabo kasta iskugu gunnudaysa oo wax walba uga muqaddassan. Falsafaddaas ayaa u noqota rugta ay ku saleysiinayaan masiirkooda oo idil oo una ah astaanta ugu qaalisan ee jiritaankoodu iyo aayahoodu ba ku musmaaran yihiin. Waa na tan ay hoggaankooda ku dul qotomiyaan oo madaxdooda uga la qiimo iyo qaayo sarreysa.

    Haddaba dhammaan beelaha geyigan Woqooyi Bari ku wada dhaqan oo haddana ku tolaysan waxaa sidan u kala qoqobay oo u kala irdheeyay jahli guud oo ku ragaaday iyo khaasatan aqoon daro baahsan oo ka haysata falsafadda ay wadaagaan ee u wada muqaddaska ahaan lahayd haddii ay garan lahaayeen. Haddii falsafaddaas la dhaado waxaan hubaa in ay ka gudbi lahaayeen marxalladan sagxadda ugu hooseysa ah ee reer hebelnimo oo ay isku haybsan lahaayeen darajadooda ugu sarreysa ee ay falsafaddoodu dalladda guud u tahay. Markaasi noqon maayaan beelo shilimaad yar isku xagxaganaya ee waxay ku soo bixi lahaayeen tolweyne wax walba wadaaga oo ay tolnimadoodu wax kasta uga muqaddassan tahay oo kala weyntahay.

  2. Dadka xadaaradda taariikh ku lihi dunida oo dhan waxay ku darajadaas sarreysa ku gaaraan saddex masaladood oo ilbaxnimada gundhig, gaashaan iyo gabbood ba u ah sideeda ba.

  3. Dhibta beelaha geyiga Puntland isku baheystay haysata waxaa weeye in ay si xub iskaga qaldameen waxii u muqaddaska ahaa ee ay markii hore isku haybsadeen iyo siyaasadda qalaad ee hanaanka dowliga ah lagu saleeyay. Labadu waa kaaf iyo kala dheeri xaqiiqdii.

    Marka taariikhda qummaati loo darso waxaa inooga bidhaamaya in qowm mise dad kasta oo xadaarad sugan lihi ay isku gunnuddo falsafad iyaga u gaar ah oo wax walba uga muqaddassan – dhib iyo dheef ba. Siyaasadda faranjigu waa mid ay socodsiiyaan astaamo hiddaha iyo dhaqanka ummadaha kale aad uga baxsan oo ayan is qaban karin.

    Sida aan hubo haddii siyaasaddan qalaad inta laga xoroobo teenii sooyaalka ahayd masiirka lagu saleeyo aynu dhaadi lahayn waxa inoo wada muqaddaska ah oo dib iskugu keen xidhi lahaa – tolweyne ahaan ee ma aha reero iyo beelo ahaan. Qoys is ah ee aan waxba kala lahayn oo wax kasta wadaaga.

  4. In kasta oo ruux kasta fartiisa laga garto ayaan anigu Marqaanoow dacwo idin ka ahay sababta oo ah comments-yadii waad naga xidheen oo magacyadeenii na xayiraad baad naga saarteen oo maba soo galayaan in siyaabo kale loo maro mooyaanee.

    Maxaydun nagu nacdeen Marqaanoow inteenan tolka ah ee aan cidna meeshan ku aflgaaddeynin? Mise qaniinyada aynu mararka qaar mowduucyada qaarkood idin ku saluugno ayaydun noo ciqaabaysaan? War miyaanay tolnimo iyo is qaddarin jirin gacaleyaal?

Leave a Reply

Your email address will not be published.

*