AKHRISO:- Warbixin ka hadlaysa Masuuliyad darrada kajirta Gudaha Puntland “Kor ayay Ka Qurxoon Tahay !!”.

Xalay Waxaan usoo joogay Cisbitaalka Garoowe oo Xaalad adagi kajirto oo dhawaacii Qaraxiii xalay Yaalo ,Boqolaal dad ah ayaa isbitaalka Yimid si ay dhiigoodu ugu deeqaan .
Meeshaas kama Muuqan Masuuliyad Dawladnimo ,xitaa waxaa lawaayay Cid maaraysa dadkaa shacabka ah ee dhiigoodu ku Deeqaya .

Goobta Dhiig Shubidu : waxay ahayd Qolyar oo Kulul oo laba sariir yaalan ,Kalkaaliyaasha joogay labo Qof kama badnayn , Ma aaminaysid meeshaas ayaa Cisbitaal Caasimad ah ,Qof kastoo waxgarad ah xalay meeshaas markuu arkay madaxuu Hoos aadinayey .
Arin aan La yaabay | Damiirka Masuulkeenu ma Sidan baa ?
Waxaa jirey dad badanoo shacab ah oo dhiig laga shubay kuwana markaas laga shubayey dadkaas waxaa loo waayey Sharaab qabow oo lasiiyo …

meeshaas waxaa joogay wasiiro iyo masuuliyiin kale ,Wiilka kamid ahaa Kalkaaliyaasha Cisbitaalka ayaa u yimid Wasiirka kamid ah wasiiradii iyo masuuliyiin kale oo meesha joogey wuxuu ku Yiri ” mudane Wasiir Dadkii dhiiga shubay iyo kuwo laga shubayo hada waxay u baahan yihiin Sharaab Qabow ”

Wasiirkii intuu aamusay waxyar ayuu masuuliyiintii kale sheeko usii qabtay wax Dareen ah masiin !!!
Wiilkii Kalkaaliyaha ahaa markuu arkay Wasiirkii in aanuu dan kalahayn waxaasba ayuu iska laabtay
Bal Qiyaas qofkaasi waa wasiirkii umaddaa wax loogu xilsaaray !!!

Nin Weriye ah oo Goobta taagnaa ayaa arinkii ka xumaaday ,intuu baxay ayuu Dadkii usoo iibshey Sharaab iyo Biyo ,wariyhaas waan magacaabi lahaa lknse ogolaansho kama haysto ,Sadaqo weligii u socota eebe ha uga dhigo .

Bal Qiyaas Muwaadin dhiigiisa ku Deeqay Hadana Qol yaroo kulul kujira Hadana loo waayey Sharaab Qabow dhiig shubida kadib !! Bal qof kastow Naftaada kasoo Qaad !!

Lacag yaroo dadkaas sharaab loogu iibiyo lama waayin Lkn maxaa keenay Dayac iyo Masuuliyad daro .
Hadii lay dhaho Masuuliyiintaas sheeg sheegna waxba iguma aha mid mid baan u sheegi …

Xalay Qaraxii markuu dhacay waxa kala ordayey dedaalyey waxay ahaayeen Shacab bay u badnaayeen iyo Ciidanka oo Keliya lkn meeshaas kama muuqan Kaalintii masuuliyiinta sare ,kuwaas kaalintooda xalay lawaayey waa kuw augu Nacfiga badan markay Noqoto faaiiddada laga helo adeega Bulshada .
Puntland Kor bay ka Qurxoon tahay Lkn Gudaha Nabaro badan ayay ku Leedahay !!! Daauus !!
Damiirka shacabku haduu sifiican u Shaqeeyo Layslana Xisaabtamo Masuuliyiin Noocaas ah ,Dadka Xil lloguma dhiibeen .

Cilada Cisbitaalku Iyaduna xalay keliya maahayn weligeed waa soo Jirtey hadaan maanta arinkiisa loo istaagin maalin kasta waynu iska hadlaynaa keliya ,Maalin Kasta Dadkeenii baa Dayac horteena ugu dhimanaya !!!

Nin dhalinyaro ah oo aan Cisbitaalka iska soo Raacnay Xili Dambe ayaa waxaa naga Hor Yimid hooyo Da’deedu aad u weyn tahay oo ay la socdaan tobaneeyo dumar ah way na istaajisey waxay nagu Tiri ” Hooyow Dhiig maloo baahan yahay intaas ayaan awoodnaa ee aan ku Deeqaynaaye ”

waxaan ku iri Hooyo dhiig waa la helay waxay ka dhigan tahay inaad sidaas ku sadaqysatay waxaad awooday ee ina keen xaafadaadii ku geynee ”

Shacabka Puntland Waa Shacab Wanaagsan oo Hiilo leh lkn aan Helin Hogaankii ku Haboonaa !!.

Shacabow Idinkaa Awooda leh oo Wax Bedeli kara

Sun Will Shine Again !!

1 COMMENT

  1. Reer Puntland gobnimadoodu waa u dhalasho ee dheeldheel kama aha xaqiiqdii. Waa shacab nabadda iyo horumarka iyo Soomaalinimada aad u jecel oo wax walba u huraya. Waxaa se isla markaasi jira labadan arrimood oo in qummaati loo dhaado ay waajib iyo laga ma maarmaan ku tahay reer Puntland.

    1. Waxa aad qarsataa way ku qudhunsadaan oo sidaas aawadeeda haddii qaladaadka straatijiga ah marka Puntland laga galo eex reereed aawadii looga wada aamuso waxay aakhirka ku dambeynaysaa qaladaadkaas oo Puntland gabi ahaanteeda ba galaafta oo lagu wada khasaaro sida haatan ba dhacaysa. Xilligii oorashadii Cabdi Weli Gaas lagu xushay ayuu dhabaqa hadda Puntland curyaaminaya curtay oo waa markii dowladnimadii loo dhammaa inta la ilduufsaday laga yeelay loollan siyaasadeed oo saddex reerood oo walaalo ah ku kooban oo waa Ciise, Cismaan iyo Cumar. Jeer qaladkaas si wada jira ah loo saxo oo ay waxgaradka, cuqaasha iyo issimada isla reerahan ka dhashay iyagu horseed ka noqdaan Puntland in ay isku sii shuuqdo mooyaanee dib u soo noolaan mayso.

    2. Sababta ugu weyn ee ay ku dhacday in ay tolkii Puntland wada yagleeshay ee geyigana wadaagay sidan u kala irdhoobaan waa midda salka ku haysa falsafaddii Puntlandnimo oo ay siyaasad xumadu toos u curyaamisay, falsafaddaas oo ahayd waxa aasaasiga ah ee tolkan si kasta iskugu tolayay. Markii ay tii u wada muqaddaska ahayd meesha ka libidhay ayaa waxaa soo if baxday siyaasaddii qaldantay oo markaasi dhalisay in ay beel waliba Puntland ka niyad jabto oo la kala irdhoobo. Xalka keli ah ee dib iskugu soo dumi kara waa falsafaddii tolweynahan isku guntaysay oo siyaasadda iyo hoggaanka iyo masiirka geyigan dib loogu wada saleeyo si kalsoonidu iyo isku halleyntu ugu kabmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here