Wasiir katirsan Jarmalka oo isku dilay Cabsi uu ka qabo Coronavirus Darteed!.

Wasiirka Maaliyada ismaamul goboleedka Hesse ee dalka Jarmalka ayaa is-dilay kadib markii uu si qoto dheer uga murugooday  qaabka uu u xalin doono saameynta dhaqaale ee ka dhalatay Xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus.

Wasiirka oo lagu magacaabo Thomas Schaefer ayaa meydkiisa laga helay agagaarka wado tareen, sidda uu sheegay Volker Bouffier, hogaamiyaha gobolkaas.

Dacwad-oogeyaasha magaalada Wiesbaden ayaa xusay in ay rumeysan yihiin in mas’uulka uu isagu is-dilay, wallow aysan sharaxin qaabka uu u maray dilkiisa.

“Aad baan uga naxnay, waanu aamin-la’nahay, dhamaanteena waxa ay nala noqoto ula yaabnay,” ayuu Bouffier ku yiri muuqaal uu soo duubay.

Booliska iyo xeer-ilaalinta ayaa si wadajir ah u sheegay in xaqiiqooyin, ay kamid yihiin wareysiyo lala yeeshay goobjoogeyaal iyo baaritaan ay goobta iku sameyeen, ay u soo baxday in Schaefer uu is-dilay.

Hesse waxaa ku taala caasimada dhaqaalaha Germany ee Frankfurt. Si lamid ah, waxay fariisin u tahay bangiyo waawey oo uu ku jiro Bangiga Dhexe ee Midowga Yurub, Deutsche Bank iyo Commerzbank.

Mr Schaefer oo toban sano ah Wasiirka Maaliyadda maamulka Hesse ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku howlanaa siddii uu ula tacaali lahaa saameynta shirkadaha iyo shaqaalaha kasoo gaartay fayruska.

Siyaasiyiinta gobolka ayaa u arkayey in uu noqon karo bedelka Volker Bouffier, hogaamiyaha waqti xaadirkaan ee dowlad goboleedkaas.

Thomas Schaefer, oo lagu tilmaamay qof aad loo xormeeyo, ayaa ifka kaga tegay hal xaas iyo laba caruur, kuwaas oo la filayo in ay noloshooda inta ka dhiman damaanad qaado dowlada dhexe ee Jarmalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here