DAAWO:- DFS oo Beenisay in ay jiraan Dad la xaqiijiyay inay qabaan Coronavirus in ay ku sugan yihiin Somaliland.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Maxamed Siciid Cabdullaahi  oo la hadlay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa ka hadlay kiisaska Soomaaliya ee Cudurka Covid-19, iyo labada ruux uu haleelay Fayruska ee ku sugan Deegaanada Somaliland.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay diiwaangelisay saddex ruux oo midkood yahay ajnabi ka howlgala Xerada Xalane, kuna xaqiijiyeen baaris ay sameysay Hay’adda Caafimaadka Qaramada Midoobay ee WHO.

Waxa uu soo hadal qaaday labada kiis ee gelinkii dambe shalay ku dhawaaqday Somaliand ee la xiriira Cudurka Coronavirus.

Maxamed Siciid Cabdullaahi Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya waxa uu sheegay in baarista fayruska Corona ay Soomaaliya gacan ka siiso Hay’adda WHO, isla markaana dib ugu soo celiso natiijada usoo baxdo, balse illaa haatan aysan heyn wax kiis ah oo ay ka diiwaangelisay Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here