DAAWO VIDEO:Gudoomiye Ciro oo Fariin Somalinimo Leh U Diray Bulshada Soomaaliyeed Cudurka Karoona Si’Siman Somali.

Gudoomiyaha Xisbiga MUCAARADKA SOOMALILAND EE WADANI Cabdiraxmaan Ciro Ayaa Diray Fariin u Muuqata Mid Soomalinimo dareenkeeda In badani ka Muuqdo,Iyadoona Soomaliland Madaxdeeda Kale Garan Waayeen.

Cabdiraxman Cirro oo Horay Fariin Tacsi Noqday Siyaasiga Kaliya Soomaliland ee u Diray Raysal wasaarahii Hore Allah Ha U Naxariste Nuur cade,Ayaa Umada Soomaliyeed Dhamaan Ku Dhimatay Caroona Si Isku Mida Uga Tacsiyey.

Halkani Hoose Muuqaalka Daawo

 

3 COMMENTS

  1. Waxaa yaab iyo amankaag ah sida ay Isaaqu iyo Soomaalida inteeda kale kala maan, maskax, aragti, iyo dareen u yihiin iyo sida ay Soomaalida kale qafladda xun ugaga jiraan xaqiiqadan iyada ahi. Inta ay Soomaalidu falsafadda Soomaalinimo u muqaddas tahay oo ay ugu jibbaysan tahay ayay in ka sii badan Isaaqu u cabsan yihiin falsafaddooda u gaarka ah ee Isaaqiyada. Meesha aydun ku maqashaan dad masuul ah oo Isaaqa ka soo jeeda oo Soomaalinimada cuskanaya daacad kama aha ee caalamka ayay ku majara habaabinayaan oo Soomaalida kale ayay heerka dowladeed danaha kaga ugaarsanayaan, sida hambagaadda deeqaha iyo gargaarka magaca ummadda Soomaaliyeed iyo waddankooda Soomaaliya lagu bixiyo ee uu caabuqani ka mid yahay.

    Isaaqa tooda u gaarka ah ayaa u cad oo Soomaalinimada la hadal hayo milyan jeer uga muqaddassan. Magaca Soomaaliyeed way ku jid maraan oo kuna daneystaan. Xididka Soomaalinimo ee Soomaalida kale damqa Isaaqu gumeysigii oo lagu jiro ayay iska siibeen. Waxaa beddeshay falsafadda anaaninimada, cunsurnimada, hayb-takoornimada iyo sadbursiga qaawan salka ku haysa ee ay qaddiyadda “gooni isu taagga” (Somaliland loogu magac darsaday) iyo jabhadda SNM ba ka unkameen. Isaaqa wax baa is tusay oo ay kaga dhagtay laakiin waxaa qaflad xun kaga jira Soomaalida inteeda kale ee Soomaalinimada la asqeysan oo kuna qas la’aan doona.

  2. Tollow Beesha Isaaq maxay Cismaan Cawad ka haleysay?

    Ma Afweyne ayaa dhalay oo waa ina Siyaad oo ka quusan la dhaxal wareejintey rabeen oo u dhici weyday. Aabihiis Afweynena badey inuu Suuli isagoo shubmaya ku dhinto. Midnimadiina suuligaas shibanka usii raacdey?

    Ma agoonyii Ilmo siyaadbaa oo Aabow Siyaadii ayuu seegey oo qurbaha ayuu ku naanaaney?

    Ma faqshtii ayuu ka mid ahaa oo dhaawacyo xunxun ayay SNM tii gaadhsiisay?

    Neceybka iyo xiqdiga ka buuxaa xitaa ka daran si ay u hadlaan Odey ama Islaan Faqash ahaan jirey oo Gabanadoodiina Askartii Afweyne ahaa oo intiiba Stii leysay. Afweynena u waari waayay oo maanta ceydh meelahaas ku qaata.

    Sxb Cismaanow warka noo dhiib. Waaxey waxan oo Iidoor neceyb ahi?

  3. @Ahmed SNM,

    Runta iyo xaqa dembiiluhu mar walba waa uu ka halcadaa. Inta aad aniga isleedahay ku xumee ayaad adigu afkaaga isku kashiftaa. Mar waxaad toos u qirataa intaas aan ka idin ka sheego. Marka kale na xiqdiga iyo naxliga idin ku gaamuray ayaad odaygaas mootan ee Siyaad Barre kala dul dhacdaa oo aad ku caro burburtaa.

    Bal eeg haddaa, intii aan idin ka sheegay uun baad adiguna ii qiirtaa. Oday mootan caaydiisa iyo xantiisu sharaf kuu ma soo kordhinayso oo kheyr na ka dheefi maysid ee qun yar soco maandhe. Oo ha aflagaaddoon ee dood oo wax iska dhici. Waa iga talo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here