DFS oo Markale uhiilisay Sucuudiga iyadoona eedeyn culus ujeedisay Kooxda Xuutiyiinta Yaman.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerar Gantaallo loo adeegsaday oo Kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ka geysteen Magaaloyinka Riyaad iyo Jizaan ee Boqortooyada Sacuudiga.

Weerarkaan oo dhacay 28-kii bishii tagtay oo ku beegneed Sabtidii bilawga Todobaadkaan, waxaana Gantaalada ay ku dhaceen meelo kamid ah Magaalooyinkaan oo ay ku jirto Caasimadda Sacuudiga.

“Xukuumadda Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa maleeshiyooyinka Xuutiyiinta ee Yemen ee gantaalada balaastikada ku riday Magaalooyinka Riyadh iyo Jizan ee Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya gelinkii dambe ee Sabtida oo ku beegnayd 28 Maarso , 2020 , waxa ayna u aragtaa xadgudub qaawan iyo hanjabaad ka dhan ah deganaanshaha gobolka iyo iska-dhega-tirid geedi socodka nabadda” sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya oo xiriir wanaagsan la wadaagto Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxa ay dhowr jeer sidaan oo kale u cambaareysay weeraro gantaalada balaastikada ah ay ku ridday Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo dagaal kala dhaxeeyo isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee taageerada siiyo Dowladda dalkaas.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo culeys siyaasadeed kala kulmeyso Kooxda Xuutiyiinta oo marar badan gantaallo ku weeraray magaalooyin ay kamid tahay Caasimadda dalkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here