Madaxwayne Famaajo oo weerar ku qaaday Guriga uu dagan yahay Madaxwaynihii hore ee Somalia.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa xaqiijiyay in Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay rasaas ku fureen Difaaca Koowaad ee laga ilaaliyo Guddiga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Cabdinaasir Maxamed Sheekh Nuur oo ah Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga Himilo Qaran ayaa xaqiijiyay Warkaan ayaa sheegay in Ciidanka Ilaaladda Sheekh Shariif aysan wax jawaabo ah ka bixin rasaasta lagu furay sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in ay hayaan Cadeymo ah in gaariga rasaasta furay ay leeyihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Gaari ay lee yihiin ciidanka Pilice ka oo numberkiisu yahay :POl 318 ayaa xabado ku furay difaaca 1aad ee laga ilaaliyo guriga uu degan yahay madaxweynihii hore Sh.Shariif Sh Ahmed , Ciidamada ilaalada ka ahaa guriga waxay Muujiyeen masuuliyad kamana ay jawaabin rasaastaas lagu furay” ayuu yiri Cabdinaasir .

Madasha Xisbiyada qaran ayaa todobaadyo ka hor sheegay in dowladda Soomaaliya ay Ciidamo ka hareereysan Guriga Shariif Sheekh Axmed inkastoo dowladda Soomaaliya ay beenisay.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Booliska Soomaaliyeed wali kama hadlin eedayn loo jeediyay ee ku aadan in la weeraray Guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleynmaan Maxamed ayaa sheegay gaariga rasasta ku riday guriga Sheekh Shariif ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed oo isaga ilaalo u ahaa hayeeshee meesha aysan wax wayn ka dhicin sida uu hadalka u dhigay,

Xeer Ilaaliyaha qaranka ayaa sheegay in aysan jirin cid weerar ku ah guriga Sheekh xabaduna ku dhacday si kama ah.

“Gaariga la sheegay in uu Xaabad huwiyay ilaalada Madaxdwaynihii hore Mudane Sheekh Shariif, waa gaari Police ah oo ilaaladayda saarnaynd. Labo gaari oo yaryar oo wadada ku sheekaysanayay wadadana xirtay kadibna gaarigii Police sanka u soo galiyay gawaaridooda ayaa keentay halka xabo ee dhacday. Waxaa caddaynayaa wax intaas ka wayn in aysan jirinin cid weerartay ilaalada Madaxwayne Sheekh Shariifna aysan jirinin” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleynmaan Maxamed.

 

1 COMMENT

  1. Waad waalateen baa la moodaa.
    mise magaca marqaan baa dhab idinka ah.
    cinwaanku wuxuu leeyahay.#farmajo baa shariif weeraray.
    Aakhirkiina waxay noqotay gaari xeer ilaaliye iyo booliiskii la socday oo hal xabad wadada ku furtay si ay.dhaqso bugu gudbaan.
    Aaway dagaalka iyo weerarka aad sheegteen.
    raali ahaada,illeyn waad marqaansan tihiin.
    markii aad caadi ku soo noqotaan wax soo qora fadlan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here