XOG:- Maxay tahay Sababta DFS udafirtay Kiisaskii Corona ee laga Helay Somaliland “Masuul Somaliland oo sirta qarxiyay”

Soomaaliya oo ka faa’iidaysanaysa hadalkii Badhasaabka Togdheer ee maanta ayaa Waxba kama jiraan ku tilmaantay In Coronavirus laga helay Somaliland..

Maalintii shalay wuxuu sheegay wasiirka Caafimaadka Somaliland in laba qof oo jooga Berbera iyo Burco laga helay Cudurka Coronavirus, isla markaana gacanta lagu hayo, labada qof ba,

Lknse Badhasaabka Gobolka Togdheer ayaa Maanta Warbaahinta kula hadlay Burco wuxuuna sheegay in ninkii Gudidu sheegtay aan Gacanta lagu haynin, oo uu suuqa joogo, Xanuunna aanu qabin, oo ninkaasi Bogsaday,

Wasiirku ku xigeenka Caafimaadka ee Soomaaliya oo Ka faaiidaysanaya Hadalka Badhasaabka Gobolka Togdheer ayaa isna shaaciyay inay been abuur tahay oo aanay Aqoonsanayn labada kiis ee ay sheegayaan Gudida Kahortaga Coronavirus ee Dawladda Somaliland,

Badhasaabka Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi Ayaa hadalkiisu si cad uga hor imanayaa Gudida heer qaran ee Ka hortaga Coronavirus ee Somaliland, sidoo kalena wuxuu badhitaarayaa oo marag unoqonayaa Wasaaradda Caafimaadka ee Somalia oo iyagu Yidhi Korona lagama helin Somaliland.

haddii uu bogsaday ninkii Burco Yaa baadhay oo Xaqiijiyay in uu caadaa marayo, ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here