Axmed Karaash oo gaashaanka u daruuray isku shaandhayn uu sameeyey MW Deni & khilaafka oo sii laxaadsadey

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo buriyey Isku Shaandheyntii Golaha Wasiirada ee uu Shaaciyey Madaxwayne Deni.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Karaash ayaa war-saxaafeed lagu shaaciyey boggiisa Facebook ku qaadacay isku shaandheyn uu Golaha Wasiirada ku sameeyey Madaxweyne Siciid Cabdillahi Deni habeenimadii xalay.

Isku shaandeynta Golaha Wasiirada ayaa warqadda ka soo baxday Xafiiska Deni lagu sheegay in ay ku timi wadatashi lagala sameeyey ku xigeenkiisa taas oo uu hadda beeniyey Axmed Karaash.

War-saxaafadeedka Karaash ayaa circa ku toleysa khilaafkii maalmahan dambe sii xoogeysanayey ee u dhexeeyey labada mas’uul ee ugu sarreeya maamulka Puntland.

Warar hoose ee ay heshayWarbaahinta ayaa sheegaya in ay u badan tahay in uu meesha ugu dambeyn ka bixi doono Madaxweyne ku xigeenka oo uu dagaalka ku guuleysan doono Madaxweyne Deni.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Kaafi

2 COMMENTS

  1. Deni dagaal reer Puntland oo isku duuban ha u diyaar garoobo, Axmed Karaash qof kasta oo xilkas ah oo reer Puntland ah wuxuu u hayaa xushmad iyo qadarin, waayo waa asxaabtii Kalshaale kasoo dagaalamay, waa halyeey waqtigu ciilay ee SSC wuu xorayn lahaa hadii booska Deni joogi lahaa, marka KARAASH shidada halaga daayo, Deni adkaysi iyo karti ma leh uu isku difaaco buuq baana ku furmi hadii raali gelin uusan siin reer Puntland iyo Axmed Karaashba.
    Ilaahow Soomaali xaqa tus.
    Aamiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here