DAAWO MUUQAAL:Xasuuq Arxan daro oo Ka Dhacay degmada Balcad Cida Ka Danbeeyey.

Meydadka ilaa 8 Ruux oo dhalinyaro ah ayaa shalay Gelinkii dambe waxaa la soo dhigay deegaanka Gololeey ee degmada Balcad Gobolka Shabeellaha Dhexe,kuwaas oo laba maalin ka hor laga afduubtay deegaankaas.

Dhalinyaradaan la dilay ayaa ahaa Shaqaalaha Xarun MCH oo ku taalla deegaanka Gololeey,isla markaana shalay rag hubeysan ay deegaankaas ka afduubteen,isla markaana maanta meydkooda laamiga deegaanka Gololeey la soo dhigay.

Meydadka 8 dhalinyarada ahaa ayaa waxaa la keenay Magaalada Muqdisho,waxaana ehelladooda ay faah faahin ka bixiyeen sida loo dilay iyo dadka ay ku tuhmayaan inay ka dambeeyaan dilkaas.

https://youtu.be/14ERUq2TDDQ

Qaar kamid ah Ehellada oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegene in Wiilashooda si arxan darro ah loo dilay,iyaga oo falkaasi dilka ah ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,wallow taliska Ciidanka xoogga dalka ay beeniyeen.

  1. Omar Huti Mohamoud
  2. Abdiasis Abdikadir Abdulle
  3. Ali Axmed Ali
  4. C/risaq C/laahi Qabla yare.
  5. Mohamed Omar Boore
  6. Abukar Muuse Maaxi
  7. Yuusuf Ayuub
  8. Nuur Xaaji Gaas.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*