DAAWO VIDEO DEG DEG Haftar oo Guuldaro La Kulmay 24 Saac 4 Saldhig Muhim Ahna Laga Qabsaday

Dowladda QM ay taageerto ee Libya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay degmooyin cusub oo ku yaalla koofnurta magaalada Tripoli ka qabsadeen ciidamada dagaal-ooge Jeneral Khaliifa Xaftar.

Qabsashada cusub ayaa sii wiiqeysa rajada ciidanka Khaliifa Xaftar uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Libya.

Siqitaanka ay sameeyeen ciidamada dowladda ayaa dhameystiraysa toddobaad musiibo u ahaa ciidamada dagaal-oogaha, oo horey looga qabsaday saldhigga kaliya ee ay kaga sugnaayeen galbeedka Libya, sidoo kalena lumiyey gacan ku haynta dhowr magaalo.

Afhayeen u hadlay dowladda, Mustafa al-Mujie ayaa sheegay in ciidamada ay qabsadeen xiro militari iyo xaafadda Salahudin, ayna kusii siqayaan degmooyinka Mashrou iyo Ain Zara.

Halkani Hoose Warbixin Ka Daawo

Kaddib markii ay la wareegeen saldhigyada ciidan iyo magaalooyinka Tikbali, Hamza iyo Yarmouk oo dhaca Koonfurta Tripoli, waxay Ciidamada GNA iminka qabsadeen saldhigga Sawarikh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here