DAAWO VIDEO: Maraykanka oo Diyaarado Nuclear U Diray Hawada Ruushka Iyo Ruushka oo Baacsaday Daqiiqado Gudahooda.

Maraykanka Ayaa Sameeyey Tijaabada Ugu Horeeyey Nooceeda,Isagoo Diyaaradahiisa Weerarka isku dayaya Inay ka Gudbaan Qaaradaha Aduunka,Dhanka Kalana Ku Weeraraya Saldhigyadisa Halka Kuwiisa Difaacana Ay Difaacayaan.

Balse Diyaaradahani Ayaa Khatar Ku Galay Meel Udhow hawada Ruushka.

Kadib Markii Miigagga Ruushanka Loo la kiciyey si ay u baacsadaan bombarro istaraatiji ah oo uu Maraykanku leeyahay nooca US B-1B Lancer, kuwaas oo xadka hawada Ruushka kasoo galay dhanka Black iyo Baltic Seas, iyagoo joog aad u sarreeya ku duulaya.

Dayuuradahan oo ah nooca sida gantaalaha nukliyeerka ayaa markii ay usoo dhowaatey hawada Ruushka waxaa arkay raadaarka, waxaana markiiba loo diray laba dayuuradood oo kala ahaa Sukhoi Su-27P iyo Su-30SM si ay ugu salaamaan hawada caalamiga ah ee ka sarreeysa biya badda Black Sea.

[wp_ad_camp_1]

Halkani Hoose Warbixin Ka Daawo

Dayuuradaha Ruushka ayaa bombarka usoo jirsaday “masaafo amaan ah,” taasoo keentay in dayuuradahan B-1B  ee Maraykanka ay aag bedeshaan oo ay jiho kale u leexdaan, sida ka muuqata muuqaal ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushku.

Ruushka ayaa sheegay in kaddib ay dayuuradihiisu dib ugu soo laabteen saldhiggooda “iyagoo si buuxda u raacay xeerka u degsan hawada.” 

[wp_ad_camp_1]

Maraykanka Ayaa Beeniyey Baacsashadaasi Wuxuuna Sheegay Inay Diyaaradahani Siguul Leh Ku Dulmareen hawada Ruushka iyo Qeybka Mid Ah Bada Shiinaha,Howshani oo Ahayd Layligi Ugu Horeyey Maraykanka Nooc Kasta Diyaaradahiisa Ku Tijaabinayo.

Dhacdada Ayaa Timi Kadib markii Maraykanka uu Bilaabay Dhoolotus Noocisa Cusub Yahay,Kaasi oo Latiska Cirka ee Difaaca Maraykanka Laylis Ku sameeyey Hawada Dalal badan.

Militariga Mareykanka ayaa awooda saaraaya sidii ay wadankooda uga difaaci lahaayeen diyaaradaha wax duqeeya ee loo adeegsado tijaabada, waana tijaabadii ugu horeysay ee nooceeda ah ee laga sameeyo Badweynta Atlaantiin laga bilaabo 28-ka May ilaa 31-ka Maajo, Taliska Woqooyiga Mareykanka ayaa sheegay Jimcihii.

[wp_ad_camp_1]

Maraykanka Ayaa Layligani U samaynaya Inuu Diyaaradahiisa Dagaalyahanada Kasoo kaciyo dalal Aad U Fog,Kadibna Isku Dayaya Inay Xoog Ku Galaan Hawada Maraykanka.

Markaasi kadibna Isla Diyaaradaha Difaaca Ayaa Isticmaalaya Inay Ka Hortaagaan Iyagoo muujinaya Qaabka Dalkooda U Difaaci lahaayeen.

tiro ka mid ah Taliska Istaraatiijiyadda Mareykanka (STRATCOM) ee Diyaaradaha ‘B-1B’oo Qaada  bambo istiraatiijiyo dhaadheer  ayaa u horseedi doona diyaaradaha dagaalka ee isku dayaya inay jabiyaan difaacyada Mareykanka isla markaana galaan hawada Mareykanka.

[wp_ad_camp_1]

Horraantii bishaan, labo ka mid ah Ciidamada Cirka B-1B Lancers ayaa ka duulay Anderson Air Force Base ee Guam kuna sii jeeday Alaska .

Alaska, labada Diyaarad ee bambaanooyin waxay sameeyeen ‘layli xoog badan ‘Diyaaradaha Maraykanka waxay markaa u duuleen koonfur-galbeed ilaa Japan .

halkaas oo ay ku “dhammeysteen tababar aqoon-isweydaarsi iyadoo lagu taageerayo ujeeddooyinka Taliska Mareykanka ,” sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Ciidamada Cirka Mareykanka.

 

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

2 Comments

  1. ASC.
    WAR dadoow WAA AFKEE?;
    “Maraykanka oo Diyaarado Nuclear U Diray Hawada Ruushka?”.≈©≈WAR ma jiraan dayaarado Nuclear ah EE WAXAA JIRA DAYAARADO SIDA BAMKA NUCLEAKA.≈©≈Horta marqaannews soow ma laha tifaftire?. WBT

  2. ASC.
    MARKUU Mr CoronaVirus na guul-guulay WEBSAADYADI wey qalqaleen.≈©≈ANIGA waxaa kaliya oo ii soo haray MARQAANNEWS maadama aanan isticmaalin Twitter iyo Facebook iyo wixii lamida.≈©≈MARQAANNEWSNA AfSomaligi baan ku heshiilànahay oo Waxaan u Malayn inay qoraan Dhallinyaro ku dhalatay ama ku kortay qurbaha.≈©≈WAXAAN ka xumahay INAANAN arag Qoraalo Akhyaar aan islahaa SHAYDAAN QABIIL wey ka koreen oo aan Kalshaale wax ku qorijirtay. WBT

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*