DAAWO VIDEO XOG Cabdimaalik Coldoon oo Lasii Dayey Kadibna Xabsi Lagu Celiyey 3 Qodob Inuu Saxeexo uu Diidey Iyo Xiliga Lasiidaynayo

Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo hadda ku jira xukun saddex sano ah uu ku dhow yahay in la siidaayo dhawaan.

Ilo ku dhow saraakiisha Somaliland oo ka warqaba xaalada ayaa u sheegay Warnaahinta in saxafiga si dhakhso ah loo siidayn doono goor dambe.

Dhinaca kale, Wasiirka Beeraha ee Somaliland Aadan Mumin Seed, ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray inuu kala hadlay Madaxweyne Biixi sidii loo sii deyn lahaa Mr. Coldoon, laakiin aan wali la siidayn, isaga oo intaas ku daray, waxaanu rajaynaynaa inuu si dhakhso ah loo siidayn doono.

Waxaa Ilo Xog Ah Sheegayaan In Ladoonayey Jimcaha In lasii Daayo Balse Dib Loogu Dhigay Arimo La Doonayo In Saga Saxeexo Coldoon,Taasi oo ka mid Tahay Inuusan Dhaliilin Siyaasada Muuse Biixi.

Halkani Hoose warbixin Ka Daawo

Inuusan Tagin Magaalada Muqdisho oo uu Dalka Joogo Iyo inuu Bixiyo Warqad Raali Galin oo uu Kusoo Qorayo Fartiisa Facebook.

Go.aanka Lagu Siidaynayo Codloon Ayaa Ka Yimi Warqad Qoraal oo Beesha Caalamka U Dirtay Madaxweynaha Soomaliland Muuse Biixi cabdi,Iyagoo Ugu Baaqay Inuu Siidaayo Wariye Cabdimaalik Coldoon.

Hay’adaha caalamiga ah, Midowga Yurub iyo sidoo kale dadka caanka ah ee reer Somaliland ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi inuu siidaayo suxufiga ,

Maaha markii ugu horreysay ee la xidho Cabdimaalik Muuse Coldoon, nidaamkii hore ee Kulmiye ayaa sidoo kale xidhay 2017, booqashadii uu Ku Tagey Muqdisho madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, iyo ololaha  Doorashadiisa,weriyuhu wuxuu ku dhawaaqay inuu taageerayo midnimada Soomaaliya, waana dambi Siday U Aragto  Somaliland.

Cabdimaalik Coldoon ayaa hadda lagu xukumay inuu sumcad xumeeyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ah dacwad kadis ah sida ay sheegeen qareenada u dooda xorriyadda.

Shuruuda Lagu Xidhay Cabdimaalik Coldoon Ayaa Sababtay In Goor Hore oo Jimcaha Laga Soo Saaray Xabsiga Kadibna Dalabka Loo Jeediyey uu Diidey Inuu Tagayo Meel kasta Soomali Joogto Waxaana Dib Loogu Celiyey Xabsiga Sida Ay Xaqiijiyeen Dad Jooga Hargeysa.

Yeelkeede Waxay Soomaliland Masuulinteeda Qirayaan In lasii Daynayo Wariyahani.

1 COMMENT

  1. Coldoon uma xirna dambi ee wuxuu u xiran yahay maxaad Somalia 🇸🇴 u tagtay kkk kkk haddaba kuwa xiraya waa somali kale waana maamul beeleed hal qabiil leeyahay sida kan majeerteniya iyo Raxawayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here