DAAWO VIDEO:Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo Ciida La wadaagey Umada Soomaaliyeed iyo Islaamka

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatu. Ciid wanaagsan.
Waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga. Alle waxaan ka baryayaa inuu naga aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd ee aynu gudannay intii lagu jiray bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.
Munaasabaddan farxadda Ciidul Fidriga waxaan ku boorrinayaa muwaadin kasta in uu gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinta Islaamka.
Walaalayaal, waxaan idin xasuusinayaa in farxadda maalmahan barakaysan ee Ciidda aynu si gaar ah ugu baraarugno halista caafimaad ee dalkeenna ku xeeran ee uu sababay cudurka COVID-19 oo ah mid aan yareyn oo inooga baahan dhammaan in aan u istaagno la shaqneynta laamaha caafimaadka, si buuxdana ugu hoggaansanno talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka iyo caafimaadka bulshadeenna.

Farriinta Ciidul Fitriga

Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatu. Ciid wanaagsan. Waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga. Alle waxaan ka baryayaa inuu naga aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd ee aynu gudannay intii lagu jiray bishii Barakaysnayd ee Ramadaan. Munaasabaddan farxadda Ciidul Fidriga waxaan ku boorrinayaa muwaadin kasta in uu gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinta Islaamka. Walaalayaal, waxaan idin xasuusinayaa in farxadda maalmahan barakaysan ee Ciidda aynu si gaar ah ugu baraarugno halista caafimaad ee dalkeenna ku xeeran ee uu sababay cudurka COVID-19 oo ah mid aan yareyn oo inooga baahan dhammaan in aan u istaagno la shaqneynta laamaha caafimaadka, si buuxdana ugu hoggaansanno talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka iyo caafimaadka bulshadeenna. Munaasabadda Ciiddan waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee har iyo habeenba u taagan difaaca dadka iyo dalka, anigoo ku bogaadinaya dadaalka muuqda ee ay ku dardar geliyeen amniga iyo nabadgeliyada intii lagu guda jiray bisha barakaysan, waxayna xaqiijiyey in shacabka Soomaaliyeed ay nabad iyo xasillooni ku gutaan cibaadada iyo acmaashii bishii barakeysnayd ee Ramadaan. Ugu danbayntii, waxaan Eebbe ka baryayaa in uu Ciiddan Ciiddeeda inagu gaarsiiyo dalkeenna oo nabad iyo barwaaqo ah, kuna sii tallaabsada jidka horumar. Ciid wanaagsan.

Posted by Mohamed Abdullahi Farmaajo on Friday, May 22, 2020

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here