DAAWO VIDEO:Madaxweyne Turkiga oo Maxkamad Cadalad U Gubiyey Dilkii Ninkii Madowga Maraykanka,Trump Fariin.

Dhanka Kale Iyadoo Hogaamiyaasha Aduunka oo iskugu Jira Kuwo Afrikan Iyo caalamka Siweyn uga Hadleen falka Naxdinta Lahaa ,Laguna Tilmaamo Midka Ugu Xumaa Taarikhda Cusub.

Waxaa Siweyn Uga Hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab dayib Erdogan oo Muujiyey Fariin U Muuqatey Inuu Maraykanka Iyo Trump Ugu Digayo Cunsurinimada Dilkaasi iyo Cadaalad la Horkeeno Kuwa  Ka Danbeeyey.

Madaxweynaha Dalka Turkiga Ayaa Saacado Uun Ka Hor Soo Dhigay Tacsi uu U Dirayo Qoyska Goerge Flody Iyo Waliba Dhamaan Dadka Madowga Iyo Kuwa Laga Tirada Badan yahay,Erdogan Ayaa Sheegay Inaysan Ka Hadhayn Kuwa ka Danbeeyey Arinkaasi.

Madaxweynaha Turkiga Ayaa Soo Qoray Ilaa 5 Fariin oo Isdaba Jooga oo Dilkaasi Uga Hadlayo.

Halkani Riix Video Warbxin

[wp_ad_camp_1]

Fariin uu Soo Dhigay Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo Luuqada English Lagu Qoray Ayaa lagu Yiri”,,Waxaan rumeysanahay in kuwa geysta falkan bini’aadannimada ka baxsan ay heli doonaan ciqaabta ay mudan yihiin. Waxaan la socon doonaa arinta. Waxaan Xasuusan Doona si xushmad leh George Floyd waxaanan tacsi u dirayaa ehelkiisii iyo kuwii uu jeclaa.”

Wuxuu Intaasi Ku daray”Waxaan sii wadi doonnaa dagaalka si aan u ilaalinno xuquuqda aadanaha oo dhan iyada oo aan loo kala eexayn ku saleysan isirka, midabka, diinta, luqadda ama caqiidada iyada oo la raacayo mabda’a Nabigeena,SCW “Caddaanku kama weynaato wax madaw, madoowna ma leh wax ka sarreeya. ka badan cad. ”

Madaxweyne Erdogan Ayaa Sii Raaciyey”Anigoo xubin ka ah ilbaxnimada islaamka, oo ina baraysa inaan jeclaano bini-aadamka Si isku Mid Ah, waxaan dhalleecaynayaa maskaxdan bini-aadamka ah. Turkigu had iyo jeer way ka hortagaan weerarada lagu bartilmaameedsanayo aadanaha, ayada oo aan loo eegayn meesha, salka loo haysto ama qaab kasta oo loo fulinayo.

Sidoo kale Madaxweyne Erdogan Ayaa Intaasi Raaciyey”Qaab cunsurinimo iyo cunsuriyadeed oo sababay geerida George Floyd ee ku taal magaalada Minneapolis ee gobolka Mareykanka sababa la xiriira jir dilku kaliya maahan mid aad u murugoonay dhamaanteena, laakiin sidoo kale waxay noqotay mid ka mid ah astaamaha ugu xanuunka badan ee nidaamka cadaalad darrada aan taaganahay. ka dhan ah adduunka oo dhan.

 

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*