DAAWO VIDEO:Maraykanka oo Ciidankiisa Keyd Soo saaray Kadib dagaalkii Labaad ee Aduunka.

Ciidanka Ilaalada Qaranka ee buuxa ee Minnesota ayaa la hawlgaliyay markii ugu horeysay ilaa Dagaalkii Labaad kadib afar habeen oo mararka qaar mudaaharaadyo rabshado wata ah oo ku faafay magaalooyin kale oo Mareykan ah kadib dil uu u geystay nin caddaan ah oo ka tirsan booliiska Minneapolis Nin madow Ah.

Gudoomiyaha gobolka Minnesota, Tim Walz ayaa sheegay in Soo saarista Ciidanka Keydka Loo bahan yahay,sababta oo ah Rabshadaha  mudaharaadyada oo Faraha kasii Bixi Kara,lagu Diidan Yahay Dilka  George Floyd si ay u faafiyaan fowdo, isla markaana  Yahiin kuwii U ugu xumaa ilaa iyo haatan.

Walz wuxuu sheegay inuu sidoo kale tixgalinayo suurtagalnimada booliiska milatariga federaalka, laakiin wuxuu ka digay in xitaa taasi aysan ku filneyn.

Walz wuxuu ku eedeeyay burburka badan ee magaalada Minneapolis ee U gaysteen Baxnaan baxyada,Iyadoo la Gubey Supermarketyo iyo Bankiyo,  kuwaa oo hadafkoodu ahaa “carqaladeynta bulshada rayidka ah”.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku ammaanay ilaaladiisa qaabka ay ula tacaaleen dadkii Jimcihii ku hor mudaaharadaayay Aqalka Cad , dadkaas oo ka careysnaa dilka nin madow ah oo aan hubeysneyn oo uu askeri ka tirsan booliska ku dilay magaalada Minneapolis.

Halkani Hoose Ka Daawo

Aqalka Cad ayaa si ku meel gaar ah loo xiray markii dibadbaxayaal carreysan ay soo hor dhoobteen. Ilaalada madaxweynaha ayaa xiray albaabada laga gala iyo kuwa laga baxa ee Aqalka Cad.

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay n dibadaxayaasha haddii ay isku dayaan inay soo galaan “laga horkeeni doono eeyo arxan daran iyo hubka ugu xumaa ee aan abidkey arkay”

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*