DAAWO VIDEO:Xildhibaanadii Dhulbahante Hargeysa oo U Jawaabey Faysal Cali Waraabe Inay Sharci la Tiigsanayaan.

Qaar ka mid Ah Ragii uu Weeraray Faysal Cali Waraabe ee Dhulbahante ee Hargeysa Joogey Ayaa U Jawaabey Faysal cali waraabe,waxayna Sheegeen Inay Sharci la Tiigsanayaan Faysal waraabe.

Halkani Hoose Muqaalka Ka Daawo

Siyaasin Dhulbahante Darood Ilahay Ayaa Naga Dhaliyey,Gacan Baanu Ula tagaynaa.

[wp_ad_camp_1]

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

3 Comments

  1. Waa nasibdarro, in gaajadu ku gumayso….wadaadkan hadlayaa waxuu ku qanacsan yahay Dastuurka maleeshiyaadka qarandumiska ahaa ee SNM samaysteen, kana samaysteen inuusan xukumin Madaxweyne kasoo jeedo beeshiisa.. waxuu ku qanacsan yahay in maamul beel kale samayatay uu xildhibaan u noqdo, kuwa uu ka dacwoonayo iyo kuwa uu dacwoonayaa waa qabiil nacayb asaga ay u qabaan Soomaali uga go’aya…Soo bax baa laleeyahay oo sacabkay leefaysaa…cajiib xishood dhammaaa…

  2. dadku(isaaq) waxay qabaan (rumeysan yihiin) waxaa ku hadaaqa kooda waalan amaba fudud.
    hadalkuse meeshaba ma yimaadeen haddii walaalaha dhulbahante iyo warsengeli mar hore ka maarmi lahaayeen labada maamul (puntland iyo somaliland) ee wareerka ku riday.
    maxaa ku qasbaya walaalaha inay dantooda reero kale u dabofadhiyaan.sida ay soomaali u yihiin isaaq iyo majeerteen (maamul iyo degaan u gaar ahna u leeyihiin),baa dhulbahante iyo warsengelina soomaali u yihiin xaqna u leeyihiin inay degaankooda maamushaan iyagoon marti qoysas kale ugu aheyn.
    Taas bay tahay in la isweydiiyo waxay ku suurogeli weyday,Feysal waa gartiis inuu saas u hadlana kulama yaabani ,raggeeda (baashe ,galeyr ,cadami ,suldan sicid ,koore,karaashe,dhoobo ,camey iyo rag la mid ah ) buu ka arkay ,sidoo kale ninka waalani wuxuu soo tufay waxa reerkoodu qabo

  3. Ahmadey, waxa khasbay dadkaas inay dhibta la kulmaan dawlado deriska ah Ethiopia iyo kuwa reer Galbeed ah oo ku taliyay in dadka deegaankaas ku dhaqani aysan yeelan magac maamul beeleed sababo jira oo ka hor imaanaya danahooda siyaasdadeed ee ka leeyihiin geeska Africa… Qolyahan dabada ka riixaya SNM, kuna qasba PL inaysan faragelin hwash SNM , halka ay madaxda Xamar u akhriyaan inaysan hawsha deegaanadaas faraha la gelin kuna mashquuliyaan heshiis Somalia iyo Somaliland…..dadkaas halgan ka adag kii daraawiishta ayay ku jiraan 1990-illaa hadda waana tan suurtagelisay in weli Soomaali sii jirto, balse sida muuqata mar dhaw waa laga adkaan doonaa tii Eebbase waa gooni, waxaana lasoo afjari doonaa waxii la oran jira Somalia..

Your email address will not be published.


*