DAAWO VIDEO:Yaab Sucuudiga oo Qalalaasaha Maraykanka Ilhan Ku Edeyey Sheegayna In Loo masafuriyo Somaaliya.

Iyadoo magaalada Minneapolis ee ay Soomaalidu ku badan tahay ka bilowday rabshado ku baahey magaalooyinka waawayn ee dalka Maraykanka, kaddib markii jilib lagu ceejiyey muwaadin madow ah oo la oran jirey George Floyd, waxaana rabshadaha ka dhex muuqda Soomaalida Maraykanka.

Nin Sucuudiyaan ah oo la yiraahdo Dr Saalax Al Raajixi Kana Mid Saraaiisha Sucuudiga ee U Dhow Bin Salman ayaa haddaba kabaha la dul maray guud ahaan dadka madowga ah, gaar ahaan Soomaalida, oo sida qaabka uu qoraalka u dhigay laga dhadhansan karo inuu iyaga u dan lahaa bilowgiiba.

Ninkan ayaa dadka madoow oo uu ku sheegay inay cawaannimadoodu xadka dhaaftay wuxuu ka yara afeeftay dilka Floyd oo ay muuqato inuusan laftiisa Jeclaysan, balse Wuxuu Sheegay inay ”madowgu heleen fursad ay wax ku kharribaan.”

Wuxuu sheegay inuu laftiisu uu 7 sanadood ku noolaa Gobolka Minnesota, isla markaana ay ”dadka asalka ah” oo uu ula jeedo Yurubta cad ee kasoo haajirtey Scandinavia, ay yihiin dad aad u macaan, si ka duwan sida ay qabto taariikhda oo dadka asalka ah u aragta dadka ay reer Galbeedku u yaqaannaan ”Hindida Cas Cas”, waloow aysan casayn Hindina ahayn.

Halkani Riix Video Hoose

[wp_ad_camp_1]

”Yeelkeede, markii ay soo degeen Soomaalida madoow,” ayuu yiri Al Raajixi oo u dhaadhacaya dulucda warkiisa. ”Kuwaas oo ay metesho Ilhaan Cumar, wuxuu dembigu u faafay si wayn.” ayuu yiri.

Waxaa kaloo Sucuudiga Saraakiisha Ah Yidhaahdeen”Dilka Floyd wuxuu ahaa qalad dilaa ah & qalad aan la aqbali karin, laakiin adigu, Ilhan Omar, iyada oo loo soo maro tigidhadaada waxaad kicineysaa rabshado, & waa in lagula xisaabtamo & xitaa in loo musaafuriyo waddankaaga Soomaaliya, laga yaabee dad badan oo Mareykan ah inaysan ogeyn inaad ka tirsan tahay Ururka Ikhwaanka.

Ilhaan Cumar Iyo Sucuudiga Ayaana Isku Ficnayn Dhowr Jeer Ayeyna Eedaysay Sucuudiga Halkaasi oo muujinaysa Inay Iyaguna Siiwadaan Nacaybka Ilhaan Ay Uga Faa’idaysanayaan Rabshadahani.

[wp_ad_camp_1]

Hadalka ninkan ayaa xitaa ka hor imanaya xeerka u degsan Twitter-ka maadaama uu ka buuxo isir nacayb, aflagaaddo, jamcinta sinji gaar ah, xugmintooda iyo midab takoor.

Ninkan ayaa aad u weerara Soomaalida, dadka madoow iyo gaar ahaan Ilhaan Cumar, isagoo aad taageero ugu muujiya Donald Trump iyo dadka caddaanka ah ee cunsuriga ah.

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. Dullimada ugu weyn ee soomaaliya qabsaday waa in aan Sacuudiga u shaqo tagno waa dad ku dhashay xumaanta
    Waxaan ka soo dulliyeysan maamul goboleedyada indhaha ku haya o.o mucaaradka.
    Soomaalida waxaan u dheegayaa sanadka dambe in muwaadankasta uu ku qanacsanaandoono dalkiisa kana diridoono wuxuu dibada ka doonanaayey

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*