DHAGAYSO:Xog Ragii Ka Danbeeyey Weerarkii Qaraxa Ismiidaaminta Galkacayo Iyo Macluumaad..

Qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa ku geeriyooday 5 qof oo uu ku jiro gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland, sida ay saraakiil u xaqiijiyeen VOA.

Ilo hoose Ayaa Sheegay Inay Puntland qabatay Dhowr Qof oo lagu Tuhmayo inay qarxaasi Iyagu gacan ku lahaayeen galkacayo.

Mas’uuliyiinta magaalada Gaalkacayo ayaa VOA u xaqiijiyey in qaraxaas uu ku dhintay guddoomiyihi Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur, walaalkiis iyo laba ka tirsan ilaaladiisa

Qof rayid ah iyo qofkii ismiidaamiyey ayaa sidoo kale ku dhintay qaraxa. Afar qof oo uu ku jiro darawalkii gudoomiyaha ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi.

Halkani ka Dhagayso

Duqa magaalada Gaalkacyo ee dhanka Puntland, Saahid Maxamuud Cali, ayaa u sheegay VOA Somali in gudoomiyaha iyo ilaaladiisuba ay isla goobta qaraxa ku geeriyoodeen.

Saahid Maxamuud Cali ayaa sida uu weerarkaasi u dhacay uga warramay Haaruun Macruuf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here