Gaari Dad Shacab La Socdeen oo Lagu Qarxiyey Duleedka Muqdisho

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay jidka dheere ee xiriiriya magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso uu haleelay gaari BL ah oo ay la socdeen ku dhowaad 25 qof, kuwaas oo waxyeelo ay soo gaartay.

Gaariga oo ka yimid dhinaca degmada Afgooye ayaa waxaa lagu soo warramayaa in qaraxa uu ku qabsaday agagaarka deegaanka Xaawa-Cabdi ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegaan Warbaahinta , waxaa khasaare u badan dhimasho uu soo gaaray rakaabkii saarnaa gaariga qarxay, waxaana sidoo kale jira dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurma loo fidinaayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay miinadaasi kula qaraxday duleedka magaalada Muqdisho.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Aragtidaada Halkani Ka Dhiibo Waan Fasaxi Doonaa

Your email address will not be published.


*