Meesha Caalamka oo Heshiiskii Mucaaradka Jubbaland ku Qeexday Mid Qabiil .

Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa howl-galka Amisom, Francisco Madeira ayaa heshiiskii uu Axmed Madoobe la gaaray qaar ka mid ah xubnihii kasoo horjeeday ku qeexay “heshiis hoosaad qabiil.”

“Jublanad, waxaan la soconnaa in isbeddelo ay ka jireen dhowaan, ayada oo hogaamiyaha Jubaland iyo xubnaha mucaaradka beesha Ogaadeen ay gaareen heshiis la isku aqoonsaday waxna lagu wada wadaagay,” ayuu Madeira ku yiri hadal uu ka jeediyey kulankii Golaha Ammaanka ee Arrimaha Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa 23-kii April waxa uu Nairobi ku heshiiyey Cabdinaasir Seeraar Maax, Cabdirashiid Xidig iyo Daahir Axmed Sheekh oo dhammaantood ay isku beel yihiin, kuwaas oo u aqoonsaday madaxweynaha Jubaland, kana haray sheegashadoodii xilkaas.

Madeira ayaa sheegay in Axmed Madoobe looga baahan yahay inuu la heshiiyo beelaha kale.

3 COMMENTS

  1. waa xaqiiqo ,xitaa idinkuna ogtihiin,afarta nin miyeysan isku qoys aheyn,maxaad u leedihiin beesha caalamka baa saas tiri.
    afarta nin reerkoodu saddex degmo buu ka degaa 15 ka degmo ee jubbaland ,1 reer bayna ka yihiin 31 reerood ee deggan jubbaland(waa markii lasii kala qaadqaado daaroodka-maadaama ay iyagu iskood u shireen ,oo aysan daarood kale u yeeran waqtigii heshiiska).
    Ahmed madoobe kenya baa been u sheegtay ,isagoo adeegsanaya iyaduna adeegsanayso bay qaladaad waaweyn galayaan,weliba qiyaamo qaran ,buu ku socdaa,dad badana wuu luggooyey oo taariikh madaw buu u horseedayaa-wada noolashaha ummada Ahmed kadib baa halis ku jirta isaga iyo qoyskiisa baana cawaaqibta qaadan doona

    • Ahmadey Asalamu caleykum walaal ciid mubaarak marka 1aad Alle hanaga aqbalo soonki aan soomneyn sidoo kale ciidan ilaa ciida kale nabad iyo caafimaad Alle hanagu geeyo aniga iyo adiga iyo inta muslimka ah ba Aloow amiin. MIda 2aad walaal xor baad u tahay sidaad rabt in aad u hadasho balse xaqiiq waxaa ah somaali ruux walba inuu degaangiisi joogo aniga hadaa ku waramo waxaa laga yaaba in sheydaan iga qaalib noqdo balse waxaa jira arin labadeen isku raacsanahay mida 1 aad waa in Jubaland manta la helin mise dhulka ka soo bixin. Marba hadaa intaa isku raacnay waa qeyr mida 2aad waxaa isku raacsanahay 1884 in ingariiska uu qabsaday Jubada hoose iyo Jubada dhexe. marba hadaa intana isku raacnay waan heesana marqaati nagala saaro soo maaha? Waaga kismaayo waxaa dagana Beesha Majerteen iyo Ogadeen qabiil kale oo somaali ku noola meysan jirin sida ey qorayaan dadka qora taariqda wadanka ingariiska ka yimid ka biloow kismaayo ilaa Kenya waxaa dagana ogadeen iyo Baajuun sidoo kale dhanka Jamaame u soo dhaqaaq waxaa u badna beesha Majerteen iyo inyar ogadeen iyo jareerweyn hadaad u dhaqaaqdo dhanka jilib ilaa baardheere waxa ku jirta dhul ogadeen raadso bugaagda taariqda wadanka ingariiska oo mudo heysday waaga Jubaland dagaalo badan kula kalay beesha ogadeen. Balse shalay waxaa ka roon maanta walaal aniga waa jooga meehi aan joogay waaga shacabkina wuu iska baday mashaAllah tusaale magaalada Afmadow waxaa ku taalo 17 xaafad waxaa hoos yimaado tulooyin fara badan Magaalada muqdisho waxaa ku taalo 19 xaafad balse wax tuulo ah ma hoos yimaado ogoow Sidoo kale Dhoobley waxaa ku taalo 4 xaafad iyo tulooyin Qooqaani sidoo kale Hagar sidoo kale kismaayo 5 xaafad ku taal 2 anigaa si toos u Dagan inta kalena waa ku noolahay waana xaasimad ogoow intaas waxaa ku dheer Badhaadhe oo aad ogtahay inta xaafad hoos yimaado waa hadaa hadaa tahay nin kala yaqaan degaanga intaas waxa ku dheer 5 dagmao ee Bakool 3 kamid ah anigaa dago waa Ceelbarde iyo Aato iyo Yeed labada kale mid waa caasimad waa Xudur hadaanan ugu badneyn qebya 2 baa gaga jiraa intaas oo dhan waxaa daga lafyar loo yaqaan ogadeen waana degaan ogadeen bal aan hoos aan u daag dagno ka beel ahaan beesha Kuumade mise kablalax Somaliland (1) Saxdheer (2) Qoriiley (3) Boocame (4) Buuhoodle (5) Yaqoori (6) Fiqi Fuliye (7) Xudun (8) Horufadhi (9) Dhahar (10 Badhan (11) Laasqoray (12) Xingalool sheegadu wey dheertahay yaanan lagu sirin ka jog war ka jog kkkkkkkkk
      (13) Buraan (14 Hadaaftimo (15) Yube (16) Ceelaayo intaas waxaa ku dheer 30 tuulo oo hoos yimaado mise Darood yaa ila tartami kara Baladxaawo iyo toolow iyo biyaha macaan Garbahaarey iskaba daa luuq iyo Beeraha Baardheere ? Balse aniga xaq baa iga maqan Hiiraan iyo Muqdisho iyo Hargeyso meelo badan waxa ahay nin aan sida dumarka u calaa calin

    • Ahmadey walaal waa runta dadki lahaa baa hishiiyay fiiri Hiirshabeele Madaxweynahay waa cali madaxweyne waa nin xawaadle ah ku xugeyn waa Abgaal odayada iyo siyaasiyiinta is qab qabsada waa isku beel ogoow anaga ogadeen hadaa nahay dhulkaas waa dagna noolama yeero anaga iyo beelo badan waliba waa nala handada qaxoodi baad tihiin iyo wax lamid ah balse maqeylino in aan ilbax nahay waxaa ku cadeyn ah dad badan ku nool kismaayo baa siinay xilibaano iyo wasiiro sida gaakjeceylka iyo waxa lamid ka ah waxaa keeenay taas waa ilbax nimada sida aan wada ognahay qabiil walba waa laga helaa meel walba maanta qabiil walba wuxuu jooga muqdisho waa intaas oo milyan balse dagmooyinga dhan hal beel waaye inta aan ka aheyn xaafada cabdi casiis oo joogo nin Majeerteen ah marka walaal mid waa gugu raacsanahay somaaliya xaq majiro haduu cid ka maqan yahay xaq waxaa qabaa inuu aniga iga maqan yahay badana majecli in aan ka hadlo qabiil balse inaa qabto beenta faraha badan waa igu waajib hadaa wax qalad gugu dhahay iska key cafi balse waxaa mooda hadal heynta ogadeen in caadi laga dhigtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here