DAAWO VIDEO: PUNTLAND oo Ku Dhawaaqday Madaxbanaani Gooni Isku Taag Soomaaliya Kadib Maqaamkii Gobolka Banaadir la Siiyey

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland oo ka carooday Go’aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ay ugu ansixiyeen Gobolka Banaadir in uu 13 Xubnood ku yeesho Aqalka Sare ayaa sheegay inay ka codsanayaan Xukuumadda Madaxweyne Deni ee Puntland in ay ka ku dhawaaqdo madax-baani.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland oo maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay sheegeen in magaalada Muqdisho ay markii hore u aqoon sanaayeen goob daka lagu dilo laguna dhaco, hase yeeshee haatan ay noqotay mid Sharciga lagu dhaco, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in Xeerarka doorashada oo ay qaarkood ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka aysan aqoonsaneyn, waxaana ay sheegeen inay Puntland tashan doonaan go’aanana soo saari doonaan.

Waxaa ay sheegeen in Magaalada Muqdisho ay tahay magaalo Soomaaliyeed, balse ay u muuqato mi dad gaar ah xigsanayaan, waaana ay ku eedeeyeen dowladda federaalka, maamulada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed inay faquuqayaan Maamulada Puntland iyo Jubaland, sida ay hadalka u dhigeen.
Hoos Muuqaalka Daawo

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here