DAAWO VIDEO: Turkiga oo Soo Saartay Diyaaradi Ugu Horeeyey Nooceda Military Caawinaysa,Xanuunkii 2 China

Wershadda Agabka Ciidanka ee SSB ayaa ku dhawaaqday mashruuc ay isla wadaan hay’adda Farsamada Gaadiidka Cirka ee TAI si ay usoo saaraan daroon xamuul ah oo ay marka hore isticmaali doonaan Ciidamada Turkigu.

Ismail Demir, madaxa SSB, ayaa Anadolu Agency (AA) u sheegay in labadan hay’adood ee Turkiga ihi ay isu kaashanayaan sidii ay u farsamayn lahaayeen daroonno xamuulka qaada si loo xoojiyo mugga howgal ee ciidamada Turkiga oo halisyo cusub oo amaan wajahaya, sida uu yiri.

Daroonkan ayaa xambaari kara 110 rodol oo iskugu jira hub, rasaas iyo dawooyin, isagoo ku socon kara xitaa cimilada aadka u xun, sida uu Demir sheegay.

Dayuuraddan oo hal saac duuli karta ayaa loogu tala galay ciidamada Turkiga ee ku sugan dhulalka buuraleeyda ah, si ay u daabulaan waxyaabaha yar yar ee aadka loogu baahan yahay xilliyada howlgallada sida hubka, rasaasta iyo dawada, iyadoo markaa kaddib si buuxda loo soo saari doono 2021 si dibedda loogu dhoofiyo.

Halkani hoose Warbixin ka Daawo

Diyaarada Aana Duuliyaha Lahayn waxay Fududaynaysaa Inay Khatarta Soo wajahi kara Diyaaradaha Duuliyaha leh ka Bad baado,Iyadoo saanada Military Gaynaysa Dhul Aad u Kala Fog Fog.

dalka Turkiga Ayaa Hormar xoogan maalin kasta Ka Samaynaysa qalabka Militaryga ee Hir Galiyeen Warshadaha Qalabka militaryga ee Koraya Turkiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here