DAAWO VIDEO:Dhibaatada faderalka Maamul Dulminaya Dadkii wax la Dhistay Hadana Dowladi Faderalka Eedaynaya Dastuur Dumis.

Puntland Iyada Ayaa Dastuurkii Puntland Shacabka Dhisteen Dumisey,Iyadoona Xaqooda la Duudsiinayo Shacabka Wax la Dhsitay Gobolada Puntland.

waxay Hada Puntland Ka Cabanaysaa Inay Dowlada Faderalka Dumisey dastuurkii dalka,halka Puntland Iyadana Loo haysto Inay dastuurkii Puntland Beel kaliya Kusoo Koobtay.

Hoos Ka Daawo

4 COMMENTS

  1. Puntland rag ayey la xisaabtamaysaa, adiguna waxaad ku raali ku tahay oo ku amaanaysaa kuwa Xamar jooga in dhawr kaartoon oo gafuurka lagu xiro Buuhoodle laguugu keenay. 17 xildhaabaan iyo ugu yaraan 5 wasiir ayaad ku leedahay boqolaal kun oo dadkaaga ahna wayna ka kashaqaystaan waxna ku bartaan hal shilin oo cashuur ahna cidi kaama qaata, iyo adigoo cadaw kasta usoo raaca Puntland. Waxaad ogaataa Puntland Ilaahay ayey u baahantahay kuwa adiga xaqaagii duudsiyey waa kuwa Xamar jooga oo aad amaanayso oo xataa meeshii dhulkaaga looga hadlayey ku dhahay ma iman kartid oo rag kale ayaa lagala hadlayaa. Dareen la’aanta iyo xaasidnimado waa laba cudur oo aad u waawayn. Hadii Xamar iyo federaal wax loo qaybsanayo cid kaaga liidata malaha wax Xamar kaaga yimaadana majiraan laakiin miskiin aan han lahayn ayaad tahay, hadii aan Puntland iyo shacabka ku abtirsadaa jirina sida xoolahaa laguu gadan lahaa inta saylada lagu geeyo.

  2. Dad cuqadadeysan oo majerteen naceeb qaba ayaa qorey maqaalkaan. maqaamka muqdisho yaa neceb. 13 xubnood maa la siiyo Garoowe aawey maqaamka baydhabo kismaayo dhuusamareb Baladweyne. waxaan waa cayaar lagu cayaaro dadka jaahilka ah iyo kuwa cuqdadeysan. Dastuur haddii la jabiyo waa la kala tagaayaa, dalkaan waxaa lagu heshiiyey hadii laga baxo waa in la kala tagaa.

  3. Reer puntland waa dad soomaaliyeed oo dadka soomaaliyeed sharaf ku dhex leh ,laakiin masiibo iyo koox cuqdad dishay baa ilaahay talada ugu dhiibay – Deni (oo Aaranjaan maamulaan) qof siyaasad wax ka garanaya ma ahan,faroole iyo kooxda immaaraadka ku xiran buu maxbuus u yahay-rag juriile kamid yahay iyagu cabsi baa ka keenaysa wax ay ku hadlayaan oo garowe bay joogaan.
    Adeerayaalow idinkaa federaal keenay oo soomaali ku qasbay(garowe 1 ,garowe 2 ,garowe —),waxaad ka dhex arkeyseen sadbursi (11 senator ) ,sool ,sanaag iyo ceyn dad baa deggan dhaqankoodu meesha ay rabaan in kuraastooda lagu soo xulo bay qasab tahay in lagu soo xulo ,idinka baa joojin waayey xumaan iyo wada shaqeyn la’aan sharciga waxaad ku heshaan uun baad leedihiin ,madaxsalaax waa dhammaaday -dadka soomaaliyeed dhinac ka raaca ,faroole iyo kuwo la mid ah yeysan soomaali idinku dirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here