DAAWO VIDEO:Garoowe Loma Qeybsan Karo Xildhibaanada SSC Faderalka ,Baaq Nabadeed Buuhoodle”Rashiid Diiriye

Rashiid Diiriye oo inta Badani ka Hadla Siyaasada Deegaanada Sool,Sanaag Iyo cayn Ayaa Ka Hadlay,Baaq Nabad Buuhoodle,Sidoo kale Wuxuu ka Hadlay Doorashada Dowlada faderalka Soomaaliya.

Dhalinyarada Gobolka Cayn Ayuu Sheegay Inay Nabada Hormuud Iyagu Noqdaan,Iyagoo Horay Deegaanka Dhibaatada ka Dhacday Dhalinyarada Ahaayeen Kuwa Ku Dhintay.

Wuxuuna Sheegay Inaan Xildhibaanada Gobolada Sool,Sanaag Iyo Cayn ee Dowlada Faderalka Sanad kasta Garoowe lagu qaybsan karin,Iyadoona Puntland Hal Degmo ka haysan Goboladaasi.

Wuxuuna Ugu Baaqay In lagu qabto gobolada Nabada ee SSC Xildhibaanada Dowlada Faderalka Soomaaliya Soo Xulidooda.

Halkani Hoose Muuqaalka Ka Daawo

4 COMMENTS

  1. xilhibaanno waxaa ka weyn ka hadalka duullaanka iyo dhulballaarsiga jabhadda SNM iyo Maleeshiyaadka lagu soo daabulay Gabiley iyo Hargeisa Ee Dadka Iyo Deegaanka 12 Sano dhibta kuhaya ….Xildoon iyo xildhibaan raadin mahan mid qoflka shaqsiyadda lihi uu ka hadlo asagoo og in dhulkiisii rag la mid ahi dhib ku hayaan ….waa wax lala yaabo waana nasiibdarro …DFS, PL iyo SL iyo Xildhibaanno ay ku muransan yihiin oo ay kala jiidanayaan in lagu dhexmilmo oo loo kala qaybsamaa waa nasiibdarro iyo lay yaab!

  2. Hadal ninkaas ayaa kuu dhameeyey, is xoree waxnoqo, Cadowga dhulbalaarsiga kugu haya arag, adoon kursi hamar ka hadlin, waa nasiib darro haysata cidaas.

  3. Daba weyne ilaahow yaa yidhaa iska dulqaad daba cayuunka ku gumaysanaya. Waxaa caloosha weyn oo miidhan baa intay soo xishaan suudh ayay iska dhigayaan rag markaasay saxaafadda sida dameerihii uga ciyayaan. Bal ummadda ha u sheego waxa uu soo kordhinayo nin la haysta ah iyo doorashadiisu toona.
    Wallaahi kaasoo kale markaan arko dhiiggaa igu kaca.
    Qashin xaasid ah waxba lagaa weydiin maayo meesha wax lagu dooranayo ee orod dirac soo xiro ximaaryohow

  4. ASC.
    Saas weeye xaalku.War maxaa dhulbahante xamar ka yaal oo ay intaas ugu hayaan xamar baan wax ka sugaynaa?Dhulbahante xoolo,dad,dhul iyo aqoonba wuu haystaa ee waxaa shaydaan ka qariyey awoodooda.Dhulbahante ha ka soo wada guureen puntlaan,somaalilaan,xamar iyo nairobi oo ay dagan yahiin kuwa dhaqaalaha haysta oo ha isugu tageen ardigooda oo ha noqdeen dad muuqda oo is maamula.Dhulbahante madaxdoodaa ka dhigtay inan layaalo.Haddii uu dhulbahante saas yeelo Isaaq isagaa iska guuraya maalin cad.Saas markay xaajo noqoto haddii Isaaq isku dayo awood sheegasho xaalku waxuu tagi doonaa Isaaq iyo Daarood Ismaaciil.Markaasna waa loo yaabi doonaa qoladii soo gardaraysata Daarood.Runta markay xaajadu gaarto dhulbahante waxuu noqonayaa nin ka mida beelaha Daarood.Ugu dambayn nabadu waa inoo wada muhiim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here