DAAWO XOG:Puntland oo Ka Xanaaqday Xildhibaanada Dhulbahante in Muqdisho lagu Doorto,halka Ay Doonaysey Garoowe,Gooni Isku taagna U Iclaamisay

Puntland Ayaa Walaac Weyn ka Muujisay Maqaamka Gobolka Banaadir Laga Siiyey Xildhibaanada Barlamaanka In loogu Daro 13 Kursi,Balse hadalkaasi Waa Sida Puntland u Cuskanayso Hadalkeeda.

Puntland Xanaaqa Arintaasi Kasoo Saarayso Ayaan Ahayn Mid Sidaasi Ah,balse xanaaqa Ugu Weyn ee Puntland Waa Inay Dowlada Faderalka Soomaaliya Go’aamisey,In Xildhibaanada Sool,sanaag Iyo Cayn Lagu Soo Doorto Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland oo ka carooday Go’aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ay ugu ansixiyeen Gobolka Banaadir in uu 13 Xubnood ku yeesho Aqalka Sare ayaa sheegay inay ka codsanayaan Xukuumadda Madaxweyne Deni ee Puntland in ay ka ku dhawaaqdo madax-baani.

Balse Arinta Xanaaqa Puntland Ayaa Midaasi Siidheer Tahay Go’aan kale oo Dowlada faderalka Samaysey,Sool,Sanaag iyo Cayn oo Puntland iyo Soomaliland Sheegtaan,Iyadoo Garoowe La Geyn Jirey Xildhibaanada Dhulbahante.

Mid ka Mid Ah Xildhibaanada Beesha Dhulbahante oo Puntland Xildhibaanka Ah,Wuxuu Sicad u Sheegay In Ay diidan yahiin In Xildhibaanada Dhulbahante Lagu Soo Doorto Muqdisho,Madama Ay Xildhibaanada Ka Wal walsan yahiin Inaysan Soo Labanayn Iyagoo garoowe Iska fadhista Markay La Doorto Kadib.

Sidaasi darteeda Puntland Kuma Heli doonto Inay lacag Ku bixiso Xildhibaanada Ay Doorbidayso Sool,Sanaag Iyo cayn hadii Muqdisho la Geeyo.

Xildhibaanka Ayaa Ku doodaya Inay dowlada Faderalka Sharciga Jabisey madama Xildhibaanada La Geeyey Muqdisho,Sidaasi oo Ahayd Codsiga Shacabka Sool,sanaag Iyo Cayn.

Inta Badan Anigoo Goob Joog Ahaa Doorashada 2016-ka Dhamaadkeeda Puntland Waxay Tageeraysey Xildhibaanka Ay u Aragto Inuu Iyada Matalo doorashada garoowe,Iyadoo Lacago u Qeybinaysey Ergada halka Qaarkooda xataa Loogu Hanjabayey Inay Doortaan Shaqsiga Puntland Rabto.

Halkani Hoose ka daawo Xildhibaanka Cabashada Muqdisho la Geynayo

Dhanka kale Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland oo maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay sheegeen in magaalada Muqdisho ay markii hore u aqoon sanaayeen goob daka lagu dilo laguna dhaco, hase yeeshee haatan ay noqotay mid Sharciga lagu dhaco, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in Xeerarka doorashada oo ay qaarkood ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka aysan aqoonsaneyn, waxaana ay sheegeen inay Puntland tashan doonaan go’aanana soo saari doonaan.

Waxaa ay sheegeen in Magaalada Muqdisho ay tahay magaalo Soomaaliyeed, balse ay u muuqato mi dad gaar ah xigsanayaan, waaana ay ku eedeeyeen dowladda federaalka, maamulada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed inay faquuqayaan Maamulada Puntland iyo Jubaland, sida ay hadalka u dhigeen.

Halkani Hoose Ka Daawo Xildhibaan Kale Arinta 13 Xildhibaan.

Hadaba Iyadoo caado u tahay.Siyaasada Fadhi Kudirirka Siyaasinta Soomaalida oo dantooda uun jecel,Maalinba Meel Ayey ka Tustaa Inay Arinta u Leexiyaan.

Mar Siihoraysey  Khudbadii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni uu ka jeediyey shirkii wadatashiga Puntland ee 15-kii bishii Maarso ee sanadkan lagu qabtay magaalada Garowe, ayaa waxa uu ku soo hadal qaaday maqaamka magaalada Muqdisho.

Xilligaas Madaxweyne Deni waxa uu ku af-gobaadsanayey in hadii ay yihiin reer Puntland ay dhibeyso in maqaamka Muqdisho uu ku jiro dood aan dhamaaneyn.

Maanta Puntland waxay Diidan tahay Maqaamka Gobolka Banaadir Iyo In Xildhibaanada Dhulbahante Meesha Ay wax Wax Garadkooda Doortaan ,lagu Soo Doorto.

Puntland ma Yeeli lahayd Xildhibaanada Puntland ee Beesha Dhexe In Laascaanood Ama Buuhoodle Lagu soo Doorto?

 

 

6 COMMENTS

  1. Reer Futo tol u haye weligiinba xanaaqa
    Waa loo maleynaayey in ninkii waalnaa, kii Isfiilitada qabay doqonkii caloisha buurnaa reer balbalaar oo siyaasada u qaatay xariiftan qabiil qabiil iyo is xulufeysi in xamar laga soo wada ceyrinayo. Wax aids iyo kansar qaba o.o aan daawo lahayn hala qabtoo cirbad halagu Wada diro.
    Muqdisho halooga taliyo umada fiican

    • Comment: muqdisho waa magaalo aad u wanaagsan balse ilaahay wuxuu ku abuuray dad aqligu dabada kaga yaal oo mooryaan hilibka dadka sida loocuno taqaan
      hawiye madoobe magalda uu dhacay dadkii lahana qashay ayuu kuraas ku rabaa nacala doqonimada idinkaga taal
      tuugyahay

  2. Meeshey rabaan ha aadaan Xaaraanta, naga daaya kuwaas warkooda, Muse ayaa furahoodahaya ee uu Koore cidiyaha ka jaraan, dad macna leh maaha,ha baxaan.

  3. Toolow bal intaad is waydiisaan oo caqli ah u wada hadashaan waxaad dhahdaan hadaanu nahay Dhulbahante maxay xildhibaanada Xamar noo jooga Puntland u qabtaan? Toolow nacayb iyo xasadku waa midka daciifka idinka dhigay oo kii idin dhahay shirka Jabuuti oo masiirka dhulkeena looga hadlayey idiin diiday in aad ka qayb gashaan si Isaaq uu raali galiyo waad la dhacsantihiin Puntland oo waxii ay dhaqaalo lahayd idinka idinku baxo waxna aydaan soo galina intaa waad ku dhagantihiin. Eheloow Puntland rag ayey wax la qaybsanaysaa xildhaabaanadiina iyo nacaybkiina iyo caydiina midna dan kama laha, laakiin idinku dib isugu laabta oo adinkoo qabiilada Soaamli uugu waa wayn in hadana aad sidaa u fakartaan oo aad ku amaantaan nin dhawr kartoon oo gafuur xir ah Buuhoodle idiinku keenay xaqii aad lahaydeena xamar lagu qaybsanaayo oo aydaan ka hadlayn, kaliya Puntland nacaybkeeda meel la fadhidaan, waa idiin nasiib daro. Bal hal mar ah fakara.

  4. dadkaan hadey rabaan xildhibaanadoo in xamar laga doorto, xaq bey u leeyhiin, odayaasha nabadoonada ah ee dhulbahante , Garowe jooga runta ha loo sheego, iyaga ayaa dhibka wada ee doonaya xildhibaanadaas in Garowe lagu doorto ee ay iyagu ka odayeeyaan, dhaqaalana ka helaan. Odayaashaas runta haloo sheego, iyaguna xamar wax haka dulaalaan, cidna yaan la eedeyn,.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here