Deni oo Sheegay In laga Faa’idaysanayo Khilaafka Isaga Iyo Kuxigeenkiisa.

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Xalay jeediyey hadaljeedintii saddexaad tan iyo markii uu bilaabay inuu bil walba isniinta u horeysa uu la hadlo Dadweynaha, ayaa caawa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan Puntland iyo Soomaaliyaba.

Madaxweynaha ayaa dadweynaha la wadaagay xaaladda amniga guud ee Puntland, dadaalada amni ee la sameeyay wixii ka danbeeyay qaraxii gaalkacayo, qorsheyaasha dhinaca horumarka ah ee socda , hirgelinta nidaamka xisbiyada badan oo si wanaagsan u socota, xaaladda covid-19 ee Puntland iyo goáankii todobaadkan kasoo baxay Shirkii Golaha Wasiirada ee Soomaaliya ee ku saabsana arrimaha Doorashada.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ka digey in si khaldan looga faa’iideysto kala aragti duwanaan u dhexeysa
Madaxda Sare ee Puntland.

1 COMMENT

  1. ASC.
    TAARIIKHDI dahabka ahayd ee Reer Qardho waxaa dhulka ku jiiday Mudane DENI. ≈©≈QARDHO WAXAY ahayd Degaanka Boqortooyada MJ waxay ahayd halka ay badi ka soo jeedeen Dhallinyaradi SYL BALSE taariikhdaa dahabiga waxaa dhaxlay WIIL ay qabyaaladdu gaarsiisay INUU ka duulo Gobollada Bari oo uu ka boodo Somaliya inteeda kale KA dego Kismaayo iyo Axmed Madoobe SOO NOQODKUNA waa Kismaayo-Bari.≈©≈WAXBA yaanan ku dheeraan dhaqanka DENI WAA dhaqan Nin ay Qabyaaladi Dilataye WAXAAN kula talina Salaadiinta, Samadoonada, Aqooyahanada BEESHA MJ inay ka tashadaan DENI intay Gooru goortahay oo uusan Somali oo dhan ka Takoorin.≈©≈ILAAHEEN SWT mahadi WIIL xalaala oo Hawlkara KAMA dhammaan reer Bariye WAA inay si degdega uga tashadaan DENI. WBT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here