Puntland oo Walaac ka Muujisay Dowlada Faderalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa walaac badan ka muujiyay nuuca doorasho ay qaban karaan guddi lagu soo xulay hanaanka awood qeybsiga qabiilada (4.5).

Deni wuxuu si guud u dhaliilsan yahay guddiyada ay dowladda federaalka dhisto in lagu saleeyo awood qeybsiga beelaha, wuxuuna rajo xumo ka muujiyay iney qaban karaan hanaan doorasho oo ka duwan habka ay ku yimaadeen.

Waxan ka digayaa in nidaamka 4.5 laga dhigo dastuur laguna saleeyo wax walba awood qeybsiga qabiil iyadoo sharci adag laga dhigaayo, ma suuragaleyso arintaas, waxaana ka dhalan kara inuu wadanka dib u laabto” ayuu yiri Deni oo warbaahinta la hadlay.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayuu madaxweyne Deni u sheegay warbaahinta inta laga xalinaayo khilaafka labada dhinac ineysan aqoonsaneyn tallaabo walba oo ay dowladda u qaado hirgalinta doorasho qaran oo wadanka ka dhacda.

1 COMMENT

  1. Fekerka Horjoogaha Maamulka Ka jira Garoowe waa mid u muuqda Inuu ka yimid Maskax waalan, Ama Caqliyad Hoose.
    Waayo 4.5 waa mid ku saleysan kala Fogeynta dadka Soomaaliyeed,DENI kooxdiisa AaranJaan waa ku faraxsanaayeen Goormay la xumaatay?
    DENI ma lahan wax xasuus ah?
    Maxaa ku qasbaaya inuu sidaan u hadlo ilaa uu xattaa yiraahdo Xubnaha labada Gole Baarlamaanka Soomaaliya ugu jira Maamulka Garoowe, Xubnaha ugu jira Golaha Xukuumadda Dowladda dhexe Soomaaliya nama matalaan waa wax lagu qoslo (It’s Ridiculous).
    DENI yaa Doortay? Golaha Degaanka ee Doortay yaa iyaga soo Doortay?
    DENI Maalin dhow wuxuu lahaa Dowladda Soomaaliya ayaa faragelin ku haysa Soomaali land, garanmaayo xaaladda DENI Maskaxaan, Aqoon ahaan, Garasho ahaan, iyo fahankiisa siyaasadeed inta uu le’eg yahay.
    4.5 ma Dowladda Soomaaliya uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisulwasarena Xasan Cali Kheyre baa sameysey?
    DENI iska weynaan badanaa waayo Dadkii reer Puntland, xubnihii labada Gole Baarlamaanka Soomaaliya ugu jirey, xubnihii ugu jirey Golaha Wasiirada dhammaantiin wuxuu leeyahay waa waxba kama jiraan waayo Qabiil baa lagu soo xulay waa su’aale DENI yuu Madaxweyne Ama Horjooge u yahay Soow Beel ma ahan?
    Kuwa lagu soo xulay 4.5 oo ka kooban Soomaali oo dhan iyo Maamul kiisa, wixii asaga Doortay keebaa xaqiiqada u dhow oo Soomaali oo dhan matali kara?
    Ma ahan inaan taageersan ahay 4.5,weligeeyna ma taageerin waayo waa qayb ka mid ah waxyaabaha Soomaaliya dhibka ku haya, laakiin Fekerka DENI baan la yaabanahay.
    Waxaa kale oo Su’aalo badan saaran yihiin DENI,
    Tusaale DENI wuxuu Taageeray Caaleemo saarkii Kenya Caaleemo saaraysey AXMED KENYATTA, waxaana sal u ahaa SEDDEX Qof ii keen anigaa kala baxaya qofkii I DOORAN LAHAA, waa maxay nooca Doorasho uu DENI ka doonayo Soomaaliya?
    DENI wuxuu Diidey Gudiga Doorashada Heer Qaran iney tagaan Degaanada Puntland, waa Su’aal yaa diidan iney Soomaaliya ka dhacdo Doorasho xalaal ah, yaa diidan Nadaamka Federalka?
    Intaba waxaa diidan DENI iyo Kooxdiisa AaranJaan waana isku Beel weliba Jifi-Jifo Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here