DAAWO VIDEO:Xiisad Dagaal oo ka Dhex Tagan Jabuti Iyo Somaliland Markii Hargeysa Laga Tageeray Mudaharaadka.

Maal mahii ugu Danbeeyey waxaa Sii Xoogaystey Weerarka Siyaasinta Soomaliland ku Qaadayaan Dalka Jabuuti ,Iyadoo Ay U Muuqanayso Inay Ku farax san yahiin Rabshado ka Dhaca Dalka Jabuuti.

Dalka Jabuuti waa Dal Soomaaliyeed,Waana Dal Sigaar Ah Dadka u wadaagaan Gobolada Waooyi ee Soomaliya ee Hada Maamusho,Maamulka iskiisa Madax Banaanida Ugu Dhawaaqay.

Dhamaan Siyaasainta Soomaliland Ayaa Wata Passaport Dalka Jabuuti,waxaana dalka Jabuuti Ku bad Baadey Dad Soomaaliyeed Markii Ay Dhacday Dowladnimada Soomaaliya Ilaa Maanta oo la Joogo.

Dalka Jabuuti waa Halka Dal oo Madaxbanaan Shantii Soomaaliyeed,Waxaana ka Jirta Dowlad,waxaana Ka Jira Nabad Galyo Xataa Ana Ka Jirin Maraykanka Iyo Reer Yurubtoona.

Dalka Jabuuti waxaase ka Jira Horumar Yar Dhanka Bulshada ,Iyadoona Sababta Tahay dalkaasi oo Aad U yar ,Balse taasai waa Canaanta kaliya oo Laysku Raaci karo Dowlada Dalka Jabuuti.

Halkani Hoose Warbixin Ka Daawo

Siyaasinta Soomaliland oo Ugu Horeeyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Soomaliland faysal cali waraabe Waligiisa Kama gaabsan Aflagaadada Dalka Jabuuti,Sababtuna Waa Mida uu Ku Aflagaadeeyo Sida Soomaaliya Inteeda Kale.

Faysal cali Waraabe oo Lagu eedeyo Inuu yahay Nin Siyaasada Soomaliland ku Walacay,Kol Dhow Uunba Lagu haystey Aflagaado Beelo Qeybka Dega Soomaliland.

Faysal cali Waraabe iyo Siyaasinta Kale ee Soomaliland Nacayb Gaarka Dalka Jabuuti waa Inaysan marna Aqbalin In Soomaliya Lakala Gooyo,Sida Dalalka Turkiga Iyo Kuwa Kalaba Ugu Colaadiyaan.

Mar Siihoraysey oo Faysal cali Waraabe ku Weeraray jabuuti Wada hadalada Dowlada faderalka Iyo Soomaliland,dalka Jabuuti safiirkeeda Ayaa Ku Tilmaamay inuu Danbiile ka yahay faysal cali Waraabe Dalkaasi uusana Booqan karin,Sidaasi darteeda Wuxuu Jeclaystey Waraabe Kacdoon Lagu Dimiyo jabuuti.

Soomaliland ma ka Jirtaa Xoriyada Ay Ku canaana-nayaan?

Soomaliland Waa halka Meel ee Dunida Ka Jirto Shaqsi Ana Siyaasi Ahayn In Lagu Xidho muqdisho Ayaad Booqatay,waana Halka Meel oo Qofka lagu Xidho Soomaaliya Ayaad Tageertay,waana halka Meel oo Laysku Xiro Dhar Blue Ah Ayaad Xiratay.

Sidee Dhaci Lahayd hadoo Hargeysa Lagu Qaban lahaa Askar baaburtooda Ula Goosanaya Soomaaliya,Malaha Nolosha Lagu Gubi Lahaa Ama Lagu Toogan lahaa!

Waxaana Soomaliland Ka Cararay wariyaal ,Waxaa Lagu Xidhay Fanaanin Muqdisho Booqday Lakiin jecel Deegaankooda.

Qof Hargeysa Joogaa waxba kama Sheegi karo muuse Biixi Madaxweynaha Soomaliland,Waxna Kama Sheegi Karo Gooni isku Taaga 20 sano la Waayey Xataa hadii uu hayo Aragti Kale oo lagu heli karo.

Iyadoo Intaasi oo Dhan ka Jirto Soomaliland ,Sow Wareer maaha In Jabuuti lagu Eedeyo Askari danbi lagu Soo Oogey Ilaa hadana Maxkamad Aysan Xukumin.

Diblumaasiyada Aduunka Wey ka Weyn tahay Inta Soomaliland u Aragto,Kuuriyada Waqooyi Laguma Xiro Kuuriyada Koonfur dadaka Booqda,Shiinaha Laguma Xiro Qofka Booqda Taiwan.

Balse Soomaliland oo Wali Go’in Soomaliya Ayaa Intaasi oo Dhan Samaynaysa ,Sidaasi oo tahayna waxay Madaxweynaha jabuuti ku Eedaynayaan Inuu Dadka Cabudhinayo.

Wali Ma Maqashay wariye Ayaa Loo Xidhay Jabuuti Hadal uu Sheegay,waligaa Ma Maqashay fanaan Ayaa La Xidhay,Maya Maynaan Maqal,kalaiya waxaynu Maqalnay jabuuti Ayaa Fanaan Hebel Ku marti Qaaday Barnaamijka Afka Soomaliga.

Qore:Mohamed Shiine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here