Ciidamo xoogan oo horleh oo lasoo dhoobay Magaalada Dhuusa-mareeb

Ciidamada ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa lagu daadiyay wadooyinka waaweyn ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug si ay u xaqiijiyaan Amniga Guud ee Magaalada oo uu ka socdo Shirka Madaxda Dowlad goboleedyada.

Ciidamada Booliiska ayaa gaaf-wareegaya wadooyinka Magaalada iyadoona lagu arkayo baro koontrol oo magaalada dhexdeeda la dhigay kuwaas oo gaadiidka lagu hubinayo.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Galmudug Janeraal Bishaar Abshir Geedi oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in ay gudanayaan waajibka Booliiska ka saaran Amniga.

Waxaa uu Bulshada Dhuusamareeb kaga mahad celiyay wadashaqeynta ay u muujiyeen laamaha Amniga ,si ay ugu guuleysaan sugida amniga Magaalada oo mas’uuliyiin farabadan ay ku sugan yihin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here